Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland ayaa soo saaray Liiska 9 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Federaalka oo maalmaha soo socda lagu dooranayo Muqdisho.
“Wuxuu guddiga doorashooyinka (FEIT) ku war gelinaynaa liiska kuraasta baarlamaanka gollaha shacabka ee aan ugu tala galnay todobaadkaan in aan doorashadooda qabanno, kuwasoo tirsigoodu hoos ku xusan, annagoona farayna in madax dhaqameedka qabaa’ilka kuraastaan iska leh ay Xarunta guddiga berri oo taariikhdu tahay 15 Nofeembar 2021 ay ku soo xaadiraan, si loo silyo tababarada Doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga
Liiska kuraasta la dooranayo toddobaadkan ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaannada kala ah:
1- #HOP214 Dr. Cilmi Maxamuud Nuur
2- #HOP218 Cabdow Maax Faarax
3- #HOP226 Maryan Maxamuud Ciise
4- #HOP233 Yurub Axmed Raabi
5- #HOP208 Jamaal Xasan Ismaaciil
6- #HOP210 Faadumo Xasan Cali
7- #HOP202 Aamina Cumar Jaamac
8- #HOP225 Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
9- #HOP272 Guuleed Caydaruus Cige
Qoraalka Guddiga Doorashada ayaa waxaa ka muquata in 9-ka kursi ay 6-da kursi ee ugu horeysa dooran doonaan laba ergo oo min 101 ah, waxaana lagu wargeliyey odayaasha dhaqanka kuraastaasi inay xareeyeen ergooyinka.

