Dalalka IGAD oo intooda badan saameyn ku leh xaaladda Soomaaliya ayaan u dhammeyn shirka London ee arrimaha Soomaaliya.
Waxaa la xaqiijiyay inay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyadoo ay ka baaqsadeen madaxda kale ee IGAD.
Madexweynaha Kenya Uhuru kenyata ayaa saaka u dhoogay magaalada London, isagoo ka qeybgalaya shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale magalada London isna gaaray Ra’iisal wasaraha Itoobiya Haile mariam Deselegn.
Madaxweynayaasha Uganda iyo Jabuuti oo shirkii hore ka qeyb galay ayaan ka baaqsaday shirka London ee 2017, waxaana sidoo kale ka qeyb galeynin dowladda Suudaan.
Dowlado badan oo reer Yurub ah ayaa ka caga-jiiday kaalinta dowlada Ingiriiska oo ka baxday Midowga Yurub, taasoo keentay inay hoos u dhigaan muhiimada shirkan.
Wadani.com