Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»AKHRISO: Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Shirkii ‘Blue Economy’ ee Nairobi

    AKHRISO: Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Shirkii ‘Blue Economy’ ee Nairobi

    November 26, 2018Updated:November 26, 20184 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay shirka dhaqaalaha Badda caalamka ee ‘Blue Economy’ ee maanta ka furmay magaalada Nariobi.

    Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ayuu uga hadlay xaalada Soomaaliya ee xilligan uu sheegay inay diyaar u ahay maalgelin inay  la soo baxdo kheyraadka ku jira xeebteeda dheer ee gaarysa 3300 KM, wuxuuna intaas ku daray falalka sharci darrada ah ee kalluumeysiga iyo dhoofinta dhuxusha ay wax weyn u dhimeen degaanka iyo Badda Soomaalida.

    Image may contain: 10 people, people standing and suit

    Image may contain: 1 person, standing

    Image may contain: 9 people, people smiling, people standing

    HOOS KA AKHRISO KHUDBADDA

    HADAL JEEDINTA MADAXWEYNAHA JFS MUDANE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO EE SHIRKA DHAQAALAHA BADDA, NAIROBI
    Mudane Madaxweyne Uhuru Kenyatta,
    Madaxda Dowladaha,
    Marti Sharafta,
    Mudanayaal iyo Marwooyin,
    Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo shirkan koowaad ee ahmiyadda weyn leh, kuna saabsan dhaqaalaha badda ee lagu qabtay caasimadan quruxda badan ee Nairobi.
    Marka hore, aan Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku bogaadiyo qabanqaabada shirkan muhiimka ah ee ujeedkiisu yahay soo bandhigidda fursadaha tirada badan ee dhaqaalaha badda iyada oo haddana la dhawrayo biyaheenna si ay uga faa’idaystaan jiilasha soo socda mustaqbalka.
    Soomaaliya waxaa suuragal u ah inay inta ugu badan ka faa’iddo dhaqaalaha badda ah si xooggan oo isla markaana waara.
    Soomaaliya waa waddan leh muhiimad istaraatijiyadeed, waxayna leedahay xeeb dhererkeedu yahay in ka badan 3,300 km oo ah tan ugu dheer qaaradda Afrika, kana mid ah kuwa ugu wax soosaarka badan gobolka, fursad weyna u ah warshadaha iyo maalgashiyada la xiriira xeebaha.
    Waxaannu leennahay kayd khayraad oo aan la taaban sida kalluunka, saliidda iyo gaaska badda, macdanta iyo khayraadka kale ee badda.
    Maamulkaygu waxa uu garawsan yahay in khayraadkan baaxadda weyn ee aan weli la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqala’aanta.
    Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran si aan uga faa’idaysanno dhaqaalaha badda ku salaysan, annaga oo dhawrayna deegaanka.
    Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ku hawlan sidii ay sameyn lahayd iskaashiyo lagu abuurayo, laguna horumarinayo dekedahayaga istaraatijiga ah, sare loogu qaadayo isu socodka gaadiidka badda, cuntada badda, beerashada badda, sifaynta biyaha badda iyo guud ahaan horumarinta macdanta badda. Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa sidoo kale u xilsaaran horumarinta khayraadka badda.
    Waxaannu si buuxda uga warqabnaa xiriirka ka dhexeeya nabadda, amniga iyo horumarka waara.
    Muddadii dheerayd ee aan khilaafka ku jirnay ayaa shaki la’aan si taban u saamaysay koboca iyo horumarka khayraadka badda ee Soomaaliya.
    Mudanayaal iyo Marwooyin,
    Mar haddiiba aanu ka hadlayno abuuridda dhaqaale badda ah oo waara, iyo baahida loo qabo maalgashi iyo warshado, waxa lagama maarmaan ah inaanu marka kowaad ka hadalno dhaqdhaqaaqyada aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaheenna.
    Caqabadaha ugu badan ee saamaynta ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.
    Waxaan rajaynayaa in qodobada ka soo baxaya shirkan uu qayb ka ahaadaan in la iska kaashado xakamaynta dhammaan hawlaha aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaha.
    Maamulkaygu waxa uu sii wadi doonaa inuu abuuro iskaashiyo caalami ah si loo xalliyo arrimahan.
    Waxaan aaminsannahay in haddii la helo daahfurnaan iyo iskaashi sarreeya, lagana faa’idaysto horumarka dhanka teknaloojiyadda iyo awoodaha satalaytka, aynu awood u yeelan doonno hakinta dhaqdhaqaaqyadan.
    Mudanayaal iyo Marwooyin,
    Nabadda iyo amnigu waxay kamid yihiin ajendayaasha ugu muhiimsan ee maamulkayga.
    Waxaan xoojinaynaa dowladnimada, sare u qaadaynaa iskaashiga dhinaca amniga si loo helo xasillooni, oo ay kamid tahay in la helo badweyn iyo xeebo nabad ah. Sidoo kale, waxaannu ka shaqaynaynaa inaan xoojinno adkaygsiga dadka si loo yareeyo saamaynta xun ee isbeddelka cimilada iyo abaaraha joogtada ah.
    Dadaalladani waa ay bilawdeen, waxana durba muuqata in guulo laga gaaray.
    Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan fursaddan uga faa’idaysanayaa inaan xuso in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiyada iyo maalgashiyada la xiriira khayraadka baddeenna hodonka ah.
    Waad mahadsanidiin.
    Farmajo Kenya Niarobi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiye ku xigeenka Baarlamanka oo soo saaray Beenin Culus & Dalab ku socda Xukuumadda [Akhriso]
    Next Article Golaha Amniga Midowga Afrika oo Wafdi xaqiiqo raadin ah u soo diray magaalada Muqdisho [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo