Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar oo maanta xilka loo doortay, loona caleemo saaray ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada ee maamulka Somali State oo ka kooban 27 wasiir.
Wuxuu sheegay inuu soo dhisay xukuumad ay iska dhex arkaan dhamaan shacabka deegaanka, isgoo sheegay inuu tixgeliyay cabashooyinkii hore usoo gaarhay, isagoo qiray inay hore u dhaceen qalalaad badna.
“Isbaddalkii uu la yimid Raysal-wasaare Dr. Abiy Axmed waxa uu sababay in shacabka laga badbaadiyo hagardaamooyin lala maaganaa oo la rabay in loogu kala qeybiyo reer-reer iyo kooxaysi” ayuu yiri Mustafe Cagjar, isgoo ku dooday inay dhaqan-galiyeen xornimo iyo xorriyatul-qowl.
Golaha wasiirada waxaa answixiyey Barlamaanka Degaanka Soomaalida Itoobiya, waxayna magacyadooda iyo beelaha ay kasoo jeedaan kala yihiin:
1- Xafiiska Madaxweynaha: Dr. Xuseen Qaasim – OGAADEEN REER ISAAQ.
2- Xafiiska Beeraha: Dr. Cabdiqaadir Iiman – SHEEKHAAL
3- Xafiiska Horumarinta Xoolo dhaqatada: Subeer Xuseen Cumar – DIGOODI
4- Xafiiska Horumarinta magaalooyinka: Cabdiraxman Ciid Daahir – ISAAQ – SACAD MUUSE
5- Xafiiska Waxbarashada: Cabdulaahi Lacag – OGAADEEN CABDALE
6- Xafiiska Caafimaadka: Dr. Muuse Axmed Ibraahim – CIISE
7- Xafiiska Maaliyadda: Cabdiraxmaan Axmed – OGAADEEN REER CABDILE
8- Xafiiska Adeega shacabka: Warsan Cawil – ISAAQ – GARXAJIS
9- Xafiiska Jidadka: Eng. Saddaam Xuseen – CIISE
10- Xafiiska Nabadgalyada: Mubashir Dubad – JIDWAAQ ABASKUUL
11- Xafiiska Cadaalada: Axmed Xaaji Samatar – MAJEERTEEN.
12- Xafiiska Biyaha: Xasan Daadhi – JIDWAAQ – BARTIRE
13- Xafiiska Xirfadaha iyo shaqo-abuurka: Xuseen Geydh – SAMAROON
14- Xafiiska Arimaha Bulshada: Cabdullaahi Amaan(ONLF). – OGAADEEN REER CABDILE
15- Xafiiska Arrimaha Haweenka: Xaliimo Xasan Maxamuyd – JIDWAAQ YABARE.
16- Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka: Malaw Maxamed – GARRE.
17- Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha: Dayib Axmed Nuur – OGAADEEN CAWLYAYAN.
18- Xafiiska Ciyaaraha iyo dhalinyarada: Maxamed Mahdi – GABOOYE
19- Xafiiska Warfaafinta: Cabdiqaadir Rashid Ducaale – GURRE
20- Xafiiska Macdanta Iyo shidaalka: Khadra Bashiir – OGAADEEN AMAADIN
21- Xafiiska Deegaanka iyo Kaymaha: Eng Muxiyadiin Cabdi Xuseen – REER QALAAFE
22- Xafiiska Waraabka iyo dooxooyinka: Maxamed Fatah – OGAADEEN BAH-GARI
23- Xafiiska Curinta iyo sayniska: Faaduma Deeqa – GERRI
24- Xafiiska Qorshaynta: Maxamed Sheekh Aden – OGAADEEN – MAALINGUUR
25- Xafiiska Dakhliga: Maxamed Naaji – HAWIYE
26- Xafiiska Maaraynta Iyo khataraha: Axmed Yaasiin Sh Ibraahim(ONLF) – OGAADEEN MAKAAHIL
27- Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska: Maxamed ismaaciil. – OGAADEEN CAWLYAHAN.
