Gudiga Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa shaaciyay in maanta la dhageysan doono khudbooyinka musharixiinta u taagan Guddoonka Baarlamaanka.
Waxaa saddex xil ee guddoonka Aqalka sare u sharxan 16 musharax laba ka mida ay u tartamayana xilka guddoomiyaha, halka min 7 musharax ay u taagan yihiin labada xil ee Guddoomiye ku xigeenada.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA MUSAHRIXIINTA
Guddoomiyaha Aqalka sare: waxaa u tartamaya:
Cabdi Xaashi C/llaahi
iyo Mustafe Maxamed Qodax
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa u tartamaya
- Xasan Faarax Xujaale.
- Axmed Xaashi Maxamuud
- Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
- Abshir Maxamed Maxamuud.
- Cabdi Axmed Dhuxulow.
- Maxamuud Axmed Maxamuud.
- Cabdirisaaq Cusmaan Cali.
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad waxaa y taagan:
- Hodan Maxamuud Cusmaan.
- Osmaan Axmed Maxcow.
- Iftiin Xasan Baasto.
- Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
- Sacdiyo Xasan Cusmaan
- Mowliid Xuseen Guuleed
- Cabdikaafi Macalin Xasan.
Khudbooyinka dhammaan musharixinta ayaa lagu wadaa inay maanta soo dhammaato si maalinta Axadda ay doorashadu u dhacdo.
Wadani.com