Qarixii is-miidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa la xaqijiyey inay ku dhinteen Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .
Saraakiishan ayaa ku howlaneyd soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo lagu beegsday goob koontarool ah oo u dhow Garoonka ciyaaraha Gaalkacyo, halakaasoo qaraxu ka dhacay.
Saraakiisha Qaraxa lagu dilay waxaa ka mida:
1- Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Jeneraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari).
2- Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan.
3- Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.
4- Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay duqii hore ee Gaalkacyo ee qeybta Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay, waxaa dhaawac culus qaba taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Qooje Dagaari.
Geerida saraakiisha iyo mas’uuliyiinta lagu dilay qaraxa Gaalkacyo ayaa waxaa tacsi u diray mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiin kala duwan ee heer dowlad Goboleed iyo Dowladda Federaalka, waxanaa baraha bulshada buuxiyey tacsida loo dirayo iyo muuqaalladooda.
