Waxaa maanta si KMG ah loo diiwaangeliyay 7 xisbi siyaasadeed oo ka mida xisbiyo badan oo dalka iyo dibadda lagu aasaasay.
Xisbiyadan ayaa la siiyay shahaado aqoonsi ah oo la doonayo inay mustaqbalka buuxiyaan shuruudaha adag ee u yaalla xisbiyada saxda ah ee la aqoonsan doona, waxaana xafladii maanta ka dhacday Muqdisho lagu sheegay in shahaadooyin la siiyay xisbiyada kala ah:
2. Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed: Waxaa xisbigan guddoomiye u ah Salaad Cali Jeelle.
2. Xisbiga Garsoor: Waxaa guddoomiye u ah xildhibaan Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi
3. Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda: Waxaa guddoomiye u ah xildhibaan Fowsiya Xaaji Aaden.
4. Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga: Waxaa guddoomiye u ah Cali Maxamed Tima-jilic.
5. Xisbiga Umadda Soomaaliyeed: axaa guddoomiye u ah Cabdirashid Maxamed Cali
6. Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed: Waxaa guddoomiye u ah Yaasiin Maaxi Maxamed Macalin
7. Xisbiga Horumarinta: waxaa guddoomiye Axmed Cali Muuse Ababakar