Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: Mashaariicda Sacuudiga u Maalgelinayo Soomaaliya ee u xayirmay Mowqifkii arrinta Qatar

    AKHRISO: Mashaariicda Sacuudiga u Maalgelinayo Soomaaliya ee u xayirmay Mowqifkii arrinta Qatar

    June 13, 2017Updated:June 13, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarisay mashaariic fara badan oo Boqortooyada Sacuudiga ay maalgelin doonto.

    Arrintan ayaa ka dambeysay markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegay Sacuudiga, isagoo codsaday in  dowladiisa la siiyo lacag dhan 4 Bilyan oo Doolar.

    Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/Casiis ayaa amar ku bixiyay in Soomaaliya laga taageerayo baahida ay qabto, iyadoo markaas kadib laga dalbaday inay dowladda Soomaaliya la timaado mashaariicdii loo maalgelin lahaa.

    Xukuumadda Soomaaliya ayay ku qaadatay 2 bilood inay diyaariso qorsheynta mashaariicda la horgeynayo Sacuudiga, iyadoo ugu danbeyn wafdi ka kooban lix wasiir ay qorshahaasi geeyeen Sacuudiga.

    Guddi ka socda Hay’adaha Saccuudiga ayaa qaabilay Wafdiga Wasiirada Soomaalida oo u sharxay mashaariicda ay doonayaan in Sacuudiga maalgeliyo.

    Mashaariicda waxaa ka mida:

    • Dhismaha Garoon Diyaaradeed Caalami ah – Duleedka Muqdisho
    • Dhismaha xarun cusub oo Madaxtooyada Soomaaliya – Duleedka Muqdisho
    • Dhismaha Wado ilaa 230 KM
    • Dhisme iyo dayactir ilaa 6 Dekadood
    • Dib u howlgelinta Shirkadii Diyaaradaha Somali Airlines iyo diyaarado la siinayo
    • Mashaariic horumainta Beeraha iyo Xoolaha
    • Mashaariic shaqo abuur

    Sacuudiga ayaa dib u eegaya qorshahan, waxaana la sheegay in heshiisyada labada dal lagu saxiixi doono kulan heer sare ah oo madaxda labada dal ay isugu imaan doonaan.

    Arrimahan oo dhan waxaa mugdi geliyay mowqifka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Dalalka uu Sacuudigu hoggaaminayo ee Khaliijka iyo Qatar.

    Dowladda Soomaaliya ayaa mowqfi dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhaxeeya dalka Qatar, waxaana Muqdisho yimid La-taliyaha Boqorka Sacuudiga Axmed Al-khadiib, iyadoo madaxweyne Farmaajo ku adkeystay mowqifkiisa.

    Waxaa laga cabsi qabaa in lacag gaareysa 50 Milyan oo Doolar oo Sacuudigu u siiyay Soomaaliya kabka miisaaniyadda iyo maalgelinta dhan 4 Bilyan oo Doolar lagu waayo mowqifka Soomaaliya ka qaadatay xaaladda ka taagan Khaliijka, taasoo bedelkeeda aan la ogeyn waxa uu noqon doono.

    WARBIXINTA GOOBJOOGE

    Farmajo Qatar Sacuudiga Saudi Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleImaaraadka oo 3 Bilyan oo Doolar ku bixiyay in la rido Dowladda Turkiga ee Madaxweyne Erdogan
    Next Article WAR CUSUB: Eteriya oo bedeshay mowqifkeedii dhexdhexaadnimo, lana safatay Sacuudiga & Imaaraadka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo