Kulan magaalada Doha ee dalka Qatar ku dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Hamad Ala-thani ayaa la sheegay inuu mira-dhal ahaa.
Kulanka oo labada hogaamiye ay uga hadleen xiriirka labada dal iyo taageero dowladda Qatar siineyso Soomaaliya ayaa go’aanadii kasoo baxay waxaa shir jaraa’id wada qabtay oo ka hadlay wasiirada arrimaha dibadda labada dal.
Qodobadda ugu waaweyn ee wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ay shaacisay in la isku afgaray waxaa ka mida:
1 – Taageero Qatar siineyso dowladda Soomaaliya oo ah dhaqaale lagu saacidayo Miisaaniyada Dowladda, taasoo bishan bilaabaneysa.
2 – Taageero dhinaca amniga ah iyo la-dagaalanka argagxisada
3- Taageero degdeg ah oo ku saabsan xaaladda abaaraha.
3- Taageero dhaqaale iyo mashaariic shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyarada
Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar waxay Dowladda Soomaaliya ka codsatay Qatar inay ka taageerto dib u heshiisiin ay dooneyso inay Soomaalida dhexdeeda ka sameyso, taasoo Qatar ay aqbashay iyadoo la kaashan doonta dalal kale.
Wasiirka arrima dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa dowladda Qatar ku ammaanay doorka ay ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya.
Wadani