Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun maxkamadeed ku riday saaka eedeysanayaasha Qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii October, 2017 ee magaalada Muqdisho.
Maxkamadda Ciidamada oo muddo soo waday dhageysiga Kiiska Qarixii Zoope , waxaana eedeysayaasha lagu riday xukun isugu jira dil iyo qaar la fasaxay, iyadoo kiiskan uu ka mid ahaa kuwa ugu adag ee la hor geeyay maxkamadda daraajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida.
Xukunnada maxkmadda riday waxay kala yihiin:
1- Xasan Aadan Isaaq Cali : Waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah.
2- C/laahi Ibraahin Xasan Absuge (Isagoo maqan) ayaa lagu xukumay Xabsi daa’in.
3- C/weli Axmed Diiriye: waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamada ayaa wax denbi ah ku weysay oo fasaxday eedeysanayaasha kala ah:
1- Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble
2- iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidan ku soo gabgabeysay eedeysanayaashii Qaraxii Zoobe oo dad ku dhow 500 qof ay ku dhinteen.