Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdi Xaashi ayaa helay codad ka badan 40 oo ahaa aqlabiyad weyn, taasoo ay keentay musharixiinta u tartamayay oo ku koobnaa laba musharax.
Natiijadii rasmiga ah ee codeynta waxay noqotay:
Cabdi Xaashi C/llaahi = 43 Cod
Mustafe Maxamed Qodax = 9 Cod
Khudbad uu jeediyay markii la doortay kadib ayuu ku bilaabay duco uu dadka Soomaaliyeed uga baryay inuu Abaarta ka dul qaado, isagoo u mahadceliyay xildhibaanada doortay iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu xildhibaanada ugu baaqay inay guddoomiye ku xigeenada ay ku doortaan wadaniyad iyo mas’uuliyad.
Wadani.com