Natiijada wareegga koowaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku tartamay 21 musharax, waxayna natiijadii noqotay in 9 musharax ay codad heleen, iyadoo 12 musharax oo kale aysan wax cod ah ka helin.
Musharixiinta wareegga koowaad ku haray waxaa ka mida madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee C/weli Gaas oo helay 8 cod, waxaana si la yaab leh u haray musharax Cali Xaaji Warsame oo helay cod kaliya, iyadoo musharaxa caanka ahaa ee Jebiye uu helay 7 cod, waxaa kaloo aan wax cod ahba helin Cabdi Faarax Juxa.
HOOS KA AKHRISO NATIIJADA WAREEGGA KOOWAAD
1- Saciid Abdullahi Deni = 20 Cod
2- Asad Cismaan Abdullahi = 17 Cod
3- Cali Xaaji Warsame = 1 Cod
4- Maxamed Xersi Moorgan = 1 Cod
5- Eng. Maxamuud khaliif Jabiye = 7 Cod
6- Faarax Cali Shire = 9 Cod
7- Dr Cali Ciise Abdi = 1 Cod
8- Maxamed Cabdullahi Xuseen Shotaaye = 1 Cod
9- Abdiwali Maxamed Gaas = 8 Cod
MUSHARIXIINTA AAN WAX COD AH HELIN
1:Ali Abdi awaare
2:Saciid Maxamed Xirsi
3:Maxamed Axmed Jaamac shaale
4: Abdi Faarax Juxa
5: Dr Bashiir Maxamed Xuseen
6: Abdisamad Mohamed Gallan
7: Maxamuud Cabdi Axmed Garlibaax
8: Gen Khaliif ciise Mudan
9: Daahir Mire Jibriil
10: Cabdiqaadir Yaasiin Abdulle Qodax
11: Dr Aadan Maxamed Ciise Gaadaale
12: Abdisamad Mohamed Gallan