Lix maalmood kaddib qarixii lagu halaagsamay ee ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaa weli socda gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha.
Waxaa dadkaa ka mid ah, Ciise Xuseen oo laba maalmood ku jiray burburka hoostiisa.
“Gaari ayaan saarnaa, qaraxa markuu dhacay wuu iga tuuray gaariga, waxaana ku dhex dhacay holac wadada geesgeeda ah, waan ku dhex guurguurtay,” ayuu yiri Ciise Xuseen.
Wuxuu Ciise sheegay in uu gaari ka soo raacay dhanka lambar afar. “Markaan Soobe soo gaarnay ayuu qaraxa dhacay, waan wareeray, meel kastoo aan eegay dab ayaa iga jiray,” ayuu yiri.
“Waan iska guurguurtay, waxaan galay dhisme sii dumaaya. Alle ayaa mahad leh, intaan ayaa isoo gaartay,” ayuu sheegay Cise oo 24 sano jir ah.
“Dhagaxii ayaa igu kor dhacay, jug baa i gaartay oo gurigaa igu kor dumay,” ayuu yiri Ciisa Xuseen oo weli yaalla cisbitaal.
Codkiisu waa daciif, waxaana ka muuqdo dhaawacyadii ka gaaray gacmaha iyo lugaha.

Markii la helayay, waxaa la arkay asigoo madaxiisa oo ka soo jeeda meel burburtay wuuna miyir daboolnaa. Kooxdii gurmadka ayaa soo saartay, oo ula carartay cisbitaalka.
Isla maalintaa waxaa la helay maydad kale oo dheeraad ah oo dhismayaasha ay ku dumeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdegga ah. Cise Xuseen wuxuu ahaa muruqmaal ka shaqeysta dhisidda guryaha iyo qaadidda dhagxaanta.
“Markii aan burburka hoos galay, gurigii wuu igu kor dumay, kadib waxaan galay meel laba guri ay iska qabtaan,” ayuu yiri Cise oo intaa ku daray; “Madaxa iyo gacmaha baan ka baxsaday meel yar oo ciriiri ah, qaarka dambe ayuuna dhismaha iiga fariistay, waana miyir daboolmay.”
“Dhinacyada oo dhan waan u jeesan waayay meesha ciriiri ayey ahayd, dhismahana dhinacyada oo dhan ayuu iiga soo dumay,” ayuu yiri Ciise oo dhaawac ahaan u yaalla iminka isbitaalka lagu daweynayo.
Ma uusan ogeyn xilli meesha laga soo saaray, wuxuuna sheegay in uu soo toosay un asagoo cisbitaalka yaalla. Waxay tani ka mid ahayd qisooyin yar oo dad laga badbaadiyay qaraxii weynaa ee Muqdisho ka dhacay 14-ka Oktoobar 2017.