Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal u kala diray guddoonada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa ujeedkiisu ahaa inuu madaxweynaha dalbaday kulan wadajir ah oo ay Baarlamaanka labadiisa Aqal isugu yimaadaan Sabtida, kaasoo Madaxweynaha uga dhawaaqi doono xaalad dagaal inuu dalku galay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu fadhi ka dhigto gobolka Shabeeladaha Hoose, halkaasina uu dagaalka ka hoggaamiyo iyadoo labada aqal oo wadajir ah uu khudbad u jeedin doono.
AKHRISO QORAALKA