Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ayaa balanqaad ka helay madaxda dalkaasi.
Kadib kulan magaalada Adis ababa ku dhex maray madaxweyne Maxamed C/llaahi farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn ayuu ra’iisal wasaaraha Itoobiya sheegay inay Itoobiya sii wadeyso inay barbar istaagto kuna taageerto Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Alshabaab.
Sida ay shaacisay wakaalada wararka Itoobiya Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in Itoobiya ay Soomaaliya kala shaqeyneyso sidii loo baabi’in laga halista Alshabaab, loona soo afjari lahaa weerrarada dhiigga badan ku daato ee Alshabaab ka fuliso gudaha Soomaaliya.
Hailemariam Dessalegn ayaa cambaareeyay weerarkii Muqdisho ee dadka badan lagu laayay, wuxuuna sheegay in Itoobiya aanay ogolaan doonin in argagixisada ay khalkhal geliso gobolka.
“Waxaan aaminsanahay in Alshabaab ay weerarkii arxan darrada ee Muqdisho kuna laayeeb dadka shacabka ah ay u qaadeen inay ku daboolaan dhibaatooyinka iyaga heysta, waxaanse diyaar u nahay inaan ka jawaab celino” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo talo ku siiyay madaxweynaha Soomaaliya in la sameeyo qorshe lagu wajaho Alshabaab.
Ra’iisa wasaaraha Itoobiya ayaa soo jeediyay in la dejiyo qorshe Istiraatiiji ah degdeg jawaab xoog leh uga bixinaya falka Alshabaab, kaasoo keena inuusan mar dambe dib u dhicin weerarkii Muqdisho oo kale, wuxuuna caddeeyay in howsha ugu weyn ay tahay xaqiijinta arrintaas.