Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta xukuumadda Soomaaliya C/fataax Ibrahim Geesey oo xilka iska casilay ayaa sheegay saddex sababood ku kalifay inuu ka tago xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiirka ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee isu casila faragelinta madaxda dowladda Soomaaliya ku sameysay Doorashada Koonfur Galbeed iyo xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa mushariixinta maamulkaasi oo dowladda ay xarigiisa u deegsatay ciidamada Itoobiya.
Wasiir C/fataax Geesay ayaa sababaha soo socda sheegay inay keeneen is-casilaadiisa, waxaana ka mida:
1- Inaan wax la-tashi ah aysan madaxda dowladda kala yeelan arrimaha K/Galbeed, mas’uuliyiinta kasoo jeeda sida Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirada iyo Xildhibaannada.
2- Inuusan jirin go’aan dowladeed oo lagu gaaray in Mukhtaar roobow laga reebo doorashada K/Galbeed
3- Inay madaxda dowladda faragelin ku hayaan dadka K/Galbeed, lagana hor taagan yahay rabitaankooda, iyadoo lagu tuntay dastuurkii dalka.
Wasiir Geeseey ayaa xilka hayey dhowr bilood, wuxuuna ka mid ahaa wasiiradii ugu danbeeyay ee uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Kheyre.