Waxaa maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu dhaariyay Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed oo dhowaan uu xilkaasi u magacaabay.
Munaasabad kooban oo Galabta ka dhacday xarunta Madaxtooyada ayaa lagu dhaariyey Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare, iyadoo uu dhaariyay xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, iyadoo ay goobjoog yihiin madaxweynaha iyo madax kale.
Waxaa munaasabadda dhaarta ka qeyb galay Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda sare.
Garyaqaan Baashi oo 36 Sano jir ah ayaa waxaa 27-kii Bishan soo magacaabay Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi maxamed Farmaajo, waxaana arrintan ka dhashay muran badan oo ku saabsan sharcinimada qaabka loo magacaabay Guddoomiyaha cusub.