Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»AKHRISO: Sidee Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir loogu magacaabay C/raxmaan Yariisow..? [Qorshihii loo qariyey …]

    AKHRISO: Sidee Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir loogu magacaabay C/raxmaan Yariisow..? [Qorshihii loo qariyey …]

    May 10, 2018Updated:May 11, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    21-kii Janaayo 2018 waxaa xilka guddoomiyaha G/Banaadir loo magacaabay C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo markaas ahaa Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, waxayna arrintan ka danbeysay khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo Madaxtooyada.

    Magacaabidda Yariisow ayaa ahayd mid ku timid si degdeg ah, waxaana laga dhex xulay saddex musharax oo markaas ay kala xusheen Ra’iisal Wasaaraha iyo Agaasimaha Madaxtooyada oo ah wehliyaan xubno yar ka mida golaha Wasiirada, waxaana loo arkay nin dhega-nugul oo rabitaankooda ku shaqeyn kara, taasoo ahayd tilmaanta kaliya ee lagu xushay.

    Waxaa isla habeenkaasi dhacday in la qoro guddoomiye ku xigeenada G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud iyadoo maamulkii Taabit uu kasoo noqday Hal guddoomiye ku xigeen oo maamulka cusub lagu soo daray.

    Waxaa dhacday in musharixii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo (Axmed Washington-Maareeyaha Dekadda Muqdisho) laga tegay oo la qaatay rabitaankii Ra’iisal wasaaraha, taasoo ay ugu wacneyd madaxweynaha oo markaas aan Muqdisho joogin, kuna sugnaa degaanada Galmudug.

    Qorshe loo qariyay kuna jirtay magacaabidda ayaa ahaa in mar qura la wada magacaabay maamulkii G/Banaadir oo dhan, halkii markii hore la magacaabi jiray Guddoomiyaha kadibna isagu uu soo xulan jiray ku xigeenadiisa iyo xoghayaha; waana tan keenay inay isku awood noqdaan oo uu markii danbe hoggaamin waayo, soona jeediyo in laga bedelo qaar ka mida guddoomiye ku xigeenada. [Akhri Warkan]

    Sida wax u dhaceen habeenkii 21-ka Janaayo waxay caddeyn u tahay in Madaxweyne Farmaajo oo leh awoodda magacaabidda aanu rabitaankiisa ku imaan Guddoomiye Yariisow, isagoo kadibna aan isku dayin inuu xiriir fiican la yeesho Madaxweynaha iyo saaxiibadii oo uu ugu horeeyo ku xigeenkiisa arrimaha amniga.

    LA SOCO QORMADA LABAAD oo aan ku faaqidi doono: hoggaanka Guddoomiye Yariisow iyo wada-shaqeynta kala dhaxeysa maamulka G/Banadir ee guddoomiyaha u yahay, iyadoo aan soo bandhigi doono Laba Garab & ka badan oo ay u kala qeybsan yihiin maamulka G/Banaadir.


     

    AKHRISO HORDHACA QORMOOYINKA

    FAAQIDAAD: 100-kii Maalmood ee ugu horeysay Guddoomiye Yariisow & Maamulka G/Banaadir [Qormooyin Taxane ah]

    Madaxweyne Farmaajo oo Maamul cusub u magacaabay G/Banaadir [Akhriso Magacyada maamulka cusub]

    G/Banaadir Magacaabidii Yariisow Top Yariiisow Yariisow & 100 maalmood
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Mahad Salaad oo Xukuumadda Somalia ku eedeeyay inay Mareykanka u xalaaleyso Gumaadka Dadka Sh/Hoose
    Next Article SAWIRRO: Bandhigga Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal oo loo diyaariyay Amniga Muqdisho [Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeyb galay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo