Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madaxda dalalka AMISOM & Soomaaliya ee Kampala

    AKHRISO: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madaxda dalalka AMISOM & Soomaaliya ee Kampala

    March 3, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirka Madaxda Dalalka Ciidamad ka joogaan Soomaaliya ee AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, kaasoo uu martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni.

    Shirka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin.

    Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia, South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

    Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

    Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

    Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso Soomaaliya.

    Shirku wuxuu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ay wadaan si loogu hago Soomaaliya siyaasad degen iyo dimuqraadiyad, taas oo abuuraysa xasilooni iyo horumar.

    Waxay madaxdu isla qaateen in la taageero qorshaha ay Soomaaliya soo hordhigtay shirka, oo ahaa sidii loo taageeri lahaa istaraatiijiyadda lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda nabadeeyaan, isla markaana ay la wareegaan masuuliyadda ammaankiisa.

    AMISOM Kampala Somalia Top UN
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Dowladda Brundi oo shaacisay tirada Ciidamada looga dilay Weerarkii Alshabab ee Duleedka Balcad
    Next Article Ciidanka Kenya oo burburiyey Xaruntii Hormuud ee degaanka Dhamase, Ceel waaq – Gobolka Gedo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo