Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Jubaland»Ciidanka Kenya oo burburiyey Xaruntii Hormuud ee degaanka Dhamase, Ceel waaq – Gobolka Gedo

    Ciidanka Kenya oo burburiyey Xaruntii Hormuud ee degaanka Dhamase, Ceel waaq – Gobolka Gedo

    March 3, 20182 Mins Read Jubaland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada Kenya ayaa gebi  ahaan Burburiyey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase kaas oo qiyaastii 60 Km u jira degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

    Wararka ayaa sheegay in dhismaha Shirkadda Hormuud ee deegaankaasi Dhamase ay Ciidamada Kenya qarax xoogan ku xireen ayna dhulka la simeen sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Col Aadan Xirsi Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

    “ Waxaa Bur buray Dhismihii Isgaarsiintii dhexe ee Dhamase oo xiriirineysay degmooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq, sidoo kale waxa ay amar ku bixiyeen in la damiyo Xaruntii Isgaarsiinta Hormuud ee Buusaar oo xiriirineysay degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere, waxaa kaloo la damiyay Isgaarsiintii Ceelcade oo isku xireysay degmooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq” sidaas waxaa yiri Col Aadan Xirsi Rufle.

    Isagoo sii wata hadalkiisa Col Rufle ayaa intaas ku daray in ay go’doonsan yihiin Malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Gedo kuwaas Noloshooda ay ku tiirsaneed Isticmaalka Adeega EVC Plus-ka ee ay bixiso Shirkadda Hormuud Telecom.

    Ugu dambeyn ayuu sheegay Col Aadan Xirsi Rufle in tallaabadaan ay  u muuqato in lagu soo duulay Nolosha shacabka Soomaaliyeed islamarkaana Ciidamada falalkaan geysanaya aysan qeyb ka ahayn howlgalka AMISOM ayna yihiin Ciidamo ka soo kicitimay gudaha Kenya si ay u baabi’iyaan Hantida Umadda Soomaaliyeed sidaas daraadeed loo baahan yahay in dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay Jawaab ku haboon ka bixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

    Horay ayey Ciidamada Kenya sidaan oo kale waxa ay u bur buriyeen Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecomay ku leedahay deegaanada Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhegalaab oo dhammaan ka wada tirsan Gobolka Gedo.

    Ciidanaka Kenya ayaan weli ka hadlin sababta ay u bartilmaameedsanayaan Isgaarsiinta Gobolka Gedo, waxayse arrintani jab ku ah shuruucda caalamiga ah maadaama ay tahay Hay’ad shibil ah oo ka shaqeysa adeeg Bulsho.

    Dhamase Hormuud Kenya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madaxda dalalka AMISOM & Soomaaliya ee Kampala
    Next Article Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Howlgal Culus oo laga fulin doono Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo