Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Warfaafinta ee Dowladda Federaalka & Dowladaha xubnaha ka ah

    AKHRISO: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Warfaafinta ee Dowladda Federaalka & Dowladaha xubnaha ka ah

    April 15, 20186 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kulan Wadatashi ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah waxay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

    Kullanka, ayaa socday muddo afar maalmood ah 11 -14 April, 2018.

    Shirkan, waxaa si habsami leh u furay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Mudane, Eng. Cabdihakim Cabdullaahi Cumar (Cameey), Sidoo kale, waxaa ka soo qaybgalay Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland, Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane, Cabdifitah Nuur Ashkir, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane, Cabdinuur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee GalMudug, Mudane C/raxmaan Jaamac Afrax, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska HirShabelle, Mudane Cabdiweli Maxamed Cabdi, Xoghayaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka socota Gobolka Banaadir, Ururka saxaafadda Soomaaliyeed ee NUSOJ, Ururka Saxaafadda Puntland ee MAP, Guddiga Saxaafada, Guddoomiyaha Guddiga Saxaafada Aqalka Sare Senator Muna Hassan.

    Kullanka, ayaa socday muddo afar maalmood ah 11 -14 April, 2018.Garowe, 11 – 14 April 2018: Kulan Wadatashi ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah waxay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

    Kulanka 4 maalmood socday, ayaa looga dooday qodobada ay ka mid yihiin:

    1. Dhisidda Guddiga Wacyigalinta iyo Dhamaystirka Istaraatiijiyadda Wacyigalinta.
    2. Qaabeynta Dhismaha Xarunta Dhexe ee Waxsoo saarka Warbaahinta.
    3. Diyaarinta Anshaxa Saxaafadda.
    4. Ogaanshaha heerka uu marayo xeerka saxaafadda.
    5. Diyaarinta Istaraatijidda Isku-xirka dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo Dadweynaha (Media Communication Strategy.)

    Waxaa lagu heshiiyay qoddobadan soo socda:

    Ka qeybgalayaashu, waxay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland oo shirka ku martigalisay magaalada Garowe, iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka oo lahayd abaabulka guud ee shirka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah Soomaaliya oo aqbalay casuumadda shirka.

    Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta ee doorkooda ku aadan wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda la xiriira qodobada looga dooday shirka.

    Ka qeybgalayaasha, ayaa isla gartay in la dardargaliyo hawlaha Wacyigalinta Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo si siman, oo isku xiran looga hirgalinayo Dalka oo dhan.

    Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in la abuuro, lana dhiirigaliyo barnaamijyada ka hadlaya kalsooni-dhiska, dib u heshiisiinta iyo iscafinta, lana ballaariyo barnaamijka raadiyaha ee Wadajir oo diiradda saara howlaha xasiloonida, dhismaha golayaasha deegaanada iyo dib u heshiisiinta, oo laga sii daayo dhamaan idaacadaha dowliga ah, marka laga reebo Puntland, maadaama golayaashii deegaan ee Puntland ay dhisan yihiin.

    Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in la sameeyo barnaamijyo mid ah oo looga hortagayo qataraha argagixisada, oo isla markaana dhalinyarada lagu hagayo tubta toosan.

    Ka qaybgalayaashu, waxay isla garteen in, si loo helo Wacyigalin ka jawaabaysa baahida Bulshada, oo saamayn leh isla markaana Nidaamsan, loo baahan yahay in la helo Istaraatiijiyad heer federaal ah, oo loo dhan yahay, taasoo ku jaan go’an baahida Wacyigalineed ee Dalka ka jirta.

    Ka qeybgalayaashu, si loo hirgaliyo arrimaha Wacyigalinta, Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxay isla garteen in la dhiso Guddi ka kooban Wasaaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah, oo ka soo shaqayn doona Diyaarinta Istaraatiijiyadda Wacyigalinta heer federaal iyo hirgalinteeda.

    Ka qeybgalaashu, waxay Isla garteen in guddigan ay magacaabaan Wasiirada Wasaaraduhu.

    Ka qeybgalayaashu, waxay isla qireen baahida loo qabo in kor loo qaado, lana dhiiriagaliyo wadashaqaynta ka dhaxeysa Warbaahinta Qaranka ee Heer Federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo xoogga la saarayo xog isdhaafsiga, kala faaiidaysiga, wadaagista Imkaaniyaadka iyo wixii la mid ah, iyadoo lagu ammaanay Agaasimayaasha Tv-yada, in ay bilaabeen dhaqangalinta heshiiskii sanadkii hore.

    Ka qeybgalayaashu, iyadoo laga duulayo baahida dhanka tayada, middeynta fariimaha iyo curinta, waxay isku raaceen yagleelidda Xarun dhexe oo wax-soo-saar oo dhanka Saxaafadda ah in laga hirgaliyo Caasimadda Muqdisho, iyadoo xafiisyo ku yeelanaysa dhamaan Wasaaradaha Warfaafinta Dawlad,Goboleedyada.

    Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Xaruntan ay noqoto mid Qaran, oo ay maamulayaan Guddi ay si wadajir ah u dhisi doonaan Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Waxaa xubnuhu noqon doonaan Xirfadlayaal aqoon sare u leh wax-soo-saarka Saxaafadeed, balse waxaa ka faa’iidaysan doona Warbaahinta Dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay Labadaba.

    Ka qaybgalayaashu, waxay Isla qireen baahida loo qabo istaraatiijiyad xiriirisa xog isweydaarsiga Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubnaha ka ah, Warbaahinta gaarka ah iyo Dadwaynaha Soomaaliyeed. Istaraatiijiyaddan, waxay sahlaysaa in si fudud loo wadaago Xogta Warbaahineed ee Dalka, isla markaana Jawaab mideysan, oo ku haboon laga bixiyo waqti ku haboon.

    Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Xarunta ay xubno joogto ah ku yeelan doonaan Dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, isla markaana waxay xaruntu qeybo ku yeelan doontaa Caasimadaha Dawlad-goboleedyada.

    Ka qaybgalayaashu, waxay ammaan iyo bogaadin u jeedinayaan Hay’adaha Caalamiga ah ee la garab taagan taageerada si gaar ahna, waxay u bogaadinayaan TIS+ iyo cid kasta oo caawisa wasaaradda warfaafinta federaalka iyo SSI oo ballanqaaday in lix Idaacadood lagu taageero dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koofur-galbeed.

    Ka qeybgalayaashu, Waxay ku dhiirigalinayaan hey’adaha iyo dowladaha taageera Soomaaliya in ay ka taageeraan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah sidii ay fariimaha wacyigalinta u gaarsiin lahaayeen dalka oo dhan gaar ahaan deegaanada miyiga ah si looga hortago marinhabaabinta argagixisada ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

    Ka qeybgalayaashu, waxay ka codsanayaan hey’adahan in ay sii wadaan caawinta warbaahinta dalka, iyagoo si gaar ah u sii xoojinaya taakuleynta ku aadan wax ka qabashada baahida deg deg ah ee dhanka Warbaahinta ee ka jirta dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Glamudug, oo iyaga ka hooseeya dowlad goboleedyada kale, maadaama uu dhismahoodu ka dambeeyay. Sidoo kale Warbaahinta dowladda Federaalka, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed laga taageero ballaarinta iyo tayaynta warbaahintooda si ay logo baahiyo deegaanada aysan wali gaarin.

    Ka qeybgalayaashu, waxay ku dhiirigaliyaan dhamaan warbaahinta dalka in ay ilaaliyaan anshaxa saxaafadda, iyadoo si habsami leh looga dooday mowduucan, qodobo dhowr ahna la isku raacay in la wada fuliyo ka hor ansixinta Xeerka Saxaafadda.

    Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen in saxaafada aan loo adeegsan dhinaca xun ee loo adeegsado dhinaca wanaagsan, lagana fogaado hadalada iyo wararka been abuurka ah iyo wax kasta oo wax u dhimi kara qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

    Ka Qeybgalayaashu, waxay u mahadceliyeen Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka oo sheegay in ay warbaahinta u soo bandhigi donaan xeerka saxaafadda inta aan aqrinta labaad loo gudbin.

    Ka qeybgalayaashu, waxay tilmaameen ahmiyadda dhamaystirka xeerka saxaafadda, Waxayna ka codsadeen baarlamaanka federaalka in uu dedejiyo ansixinta Xeerka Saxaafadda dalka.

    Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen in shirka kan xiga lagu qabto magaalada Kismaayo ee Jubbaland dhamaadka bisha July ila bilowga August 2018, oo ay xigi doonaan magaalada Baydhaba, Dhuusamareb iyo Jowhar, iyadoo loo eegayo sida dhismaha dowlad goboleedyadu u kala horeeyeen.

    Federaalka Garowe Warfaafnta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAmar laga soo saaray Gaadiidka sumad la’aanka ah ee lagu wato Magaalada Muqdisho [Akhriso]
    Next Article Doorashada Kursi ka bannaan Baarlamaanka Somalia oo ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb [Akhriso Musharixiinta]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo