Wararka Imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay halkaasi ka dhaceyso Doorashada Kursi ka bannaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kursigan lagu tartamayo ayaa horey waxaa ugu geeryooday Alaha u naxriistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalim,waxaana Musharixiinta ku tartamaya ugu cadcad Cabdulahi Faarax wehliye iyo Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye).
Guddiga Doorashada iyo Musharixiinta ayaa ayaa shalay waxaa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana la filyaa in doorashada ay ku dhacdo si nabadgelyo ah.

![Doorashada Kursi ka bannaan Baarlamaanka Somalia oo ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb [Akhriso Musharixiinta]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2016/12/Doorasho-Garowe.jpg)