Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»AKHRISO: War-murtiyeedka kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Beesha Sacad ee Gaalkacyo. [Xaalad cusub]

    AKHRISO: War-murtiyeedka kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Beesha Sacad ee Gaalkacyo. [Xaalad cusub]

    July 14, 2019Updated:July 14, 20197 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo idlaaday shirkii wadatashiga Beesha Sacad H/Gidir oo muddo shan maalmood ah ka socday halkaasi, iyadoo laga soo saaray qodobo fara badan oo quseeya Galmudug.

    War-murtiyeedka ayey beeshu ku dalbaday in Shirka Nabadaynta iyo Dib-u heshiisiinta beelaha Galmudug gogoshiisu ay noqoto magaalada Gaalkacyo, iyadoo sabab looga dhigay in madaxweynaha JFS uu ka dhagax dhigay Gaalkacyo Xarunta Nabadda & Dib-u-heshisiinta Galmudug bishii Janaayo 2018, waxaana sidoo kale lasoo jeediyey in laga tashado halka lagu qabanayo doorashada Galmudug, taasoo xaaladda u bedeleysa loolan ka dhaxeeya beelaha Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb.

    SHIRWEYNAHA WADATASHIGA BEESHA SACAD

    WAR-MURTIYEED GAALKACYO

    TAARIIKH 10 – 14 LUULYO 2019

    Shirweynaha Wadatashiga Beesha Sacad oo socday mudadii u dhexeysey

    10 – 14 Luulyo 2019, kana dhacay magaalada Gaalkacyo, ayna ka soo qaybgaleen ergooyin gaaraya 300 oo isugu jirey, waxgarad, culumaa’uddiin, odayaasha dhaqanka, xildhibaanada heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed, wasiirro heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed, maamulka gobolka Mudug, mas’uuliyiin ka socotay gobolka Banaadir, siyaasiyiin, aqoonyahan, qurba-joog, haween iyo dhallinyaro.

    Shirweynaha Wadatashigu muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray Midnimada & Wadajirka Beesha, xaaladda siyaasadeed ee dalka, tan Dowlad Goboleedka Galmudug, Shirka Nabadda Hobyo ee beelaha Habargidir, horumarinta iyo nabadgalyada deegaannada ay Beeshu degto , waxaana gabagabadii shirweynaha ka soo baxay go’aanadan:

    1. MIDNIMADA & WADAJIRKA BEESHA

    Inay muqaddas tahay ilaalinta midnimada Beesha Sacad, lana xoojiyo ka wadatashiga arrimaha la xiriira xaaladda maamul, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, amni iyo horumarineed ee deegaanada ay Beeshu deggan tahay iyo maamulada ay xubinta ka tahayba, iyo sidii wadajir la isaga garabsan lahaa soo celinta sharafta iyo maqaamkii Beesha ku lahayd Galmudug iyo guud ahaan midda Soomaaliyeed.

    2. XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA.

    2.1.  Shirweynuhu  wuxuu  adkeeyey  ilaalinta  midnimada  iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya in ay tahay lama taabtaan, umadda Soomaaliyeedna ay meel uga soo wada-jeestaan wax kasta oo waxyeello u geysanaya.

    2.2.     Shirweynuhu wuxuu walaac aad u weyn ka muujiyey xaaladda siyaasadeed iyo amni ee xilligan dalku wajahayo.

    2.3.     Shirweynuhu wuxuu Dawladda Federaalka iyo madaxda Dawlad Goboleedyada ugu baaqay in dalka iyo dadka ay u turaan, khilaafka soo jiitamayey ee u muddada u dhexeeyayna ay degdeg u xalliyaan ayagoo u maraya dastuurka dalka u degsan.

    3. SHIRKA NABADDA HOBYO EE BEELAHA HABARGIDIR

    3.1.     Beesha Sacad waxay taageeraysaa si buuxdana uga qayb galaysaa Shirka Nabadda Hobyo ee Beelaha Habargidir.

    3.2.     Beesha Sacad waxay ugu baaqeysaa beelaha kale ee Habargidir in ay ka qayb galaan Shirka Nabadda Hobyo ayagoo fulinaya balanqaadkii ay u sameeyeen Guddiga Farsamada Shirweynaha.

    3.3.     Shirweynaha Beesha Sacad wuxuu ugu baaqayaa Beelaha Habargidir in ay Shirka Nabadda Hobyo dhexdiisa ku xalistaan kala aragti duwanashahooda ku saabsan habka iyo hanaanka loo marayo dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug, guud ahaanna aragti midaysan ay ka yeeshaan arrimaha siyaasadda dalka.

    4. XAALADDA DAWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG

    4.1.     Shirweynuhu wuxuu dareen weyn ka muujiyey xaaladda dawlad goboleedka Galmudug ay ku sugan tahay waqtigan iyo khilaafaadka ka dhexjira maamulka iyo beelaha Galmudug ee keenay in ay wiiqanto awooddii Dawlad Goboleedka GM, taasoo u baahan in lagu xalliyo isfaham iyo wada xaajood horseeda Galmudug midaysan.

    4.2.     Shirweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in nidaamka xukun ee dalku qaatay uu yahay federaal ayna yihiin dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee Dawlad Goboleedyadu awood u gaar ah dowlad goboleedka, laguna nidaamiyo si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada sida uu xeerinayo qodobka 120aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah ee Dalka, wax faragelin ahna aysan ku lahayn hay’ad ka mid ah kuwa Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayadoo shirweynuhu adkeeyey in la dhowro dastuurka dalka u degsan.

    4.3.     Shirweynahu wuxuu Isla qaatay si loo dheelitiro awood qaybsiga maamulka Galmudug in saldhig looga dhigo labada gobol ee uu ka kooban yahay ee Mudug & Galgaduud.

    4.4.     Shirweynahu wuxuu isku waafaqay in Shirka Nabadaynta iyo Dib-u heshiisiinta beelaha Galmudug gogoshiisu ay noqoto magaalada Gaalkacyo maadaama madaxweynaha JFS uu ka dhagax dhigay Galkacyo Xarunta Nabadda & Dib-u-heshisiinta Galmudug bishii Janaayo 2018.

    4.5.     Shirweynahu wuxuu garowsaday in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Dawlad Goboleedka Galmudug loo madax-banneeyo beelaha Galmudug iyo waxgaradkooda, ayadoo guddiyada maamulaya doorashooyinkaasna ay beeluhu si madax banaan u soo xushaam xubnaha uga qaybgalaya, sidoo kalena doorashadu ay ka dhacdo goob ay u siman yihiin dadka reer Galmudug isla markaana heshiis lagu wada yahay.

    4.6.     In degmooynika Maamul Gobaleedka Galmudug laga hirgaliyo doorashooyin daahfuran oo qof iyo cod ah si loo soo doorto maamullo degmooyin iyo golayaal deegaan oo heysta kalsoonida dadkooda.

    4.7.     In dastuurka Galmudug dib u eegis lagu sameeyo, si Galmudug ay u yeelato Dastuur dhammaystiran oo mid ah waafaqsanna rabitaanka beelaha Galmudug.

    5. HORUMARINTA

    5.1.     Shirweyuhu wuxuu soo dhaweyneynaa dardargelinta qorshaha lagu dhisayo dekedda Hobyo ee bishii Janaayo 2018 uu madaxweynaha JFS uu dhagax dhigay, Raysulwasaaruhuna uu dhowr goor booqashooyin la xiriira arrintaas ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Qatar oo ballanqaaday dhismaheeda, maadaama mashaariicdii kale ee la mataanaysneyd la bilaabay hirgalintooda, ayadoo loogu baaqay ganacsatada Galmudug iyo dadka kalee Soomaaliyeed ee daneeynaya ay ka qayb qaataan maal-gashigeeda.

    5.2.     Shirweynuhu wuxuu bogaadiyey hab-sami u socodka Mashruuca Dhismaha waddada Hobyo/Gaalkacyo ee guddiga GOB oo meel wanaagsan maraya waxaana lagu ammaanay dedaalkooda iyo kartidooda, looguna baaqay dhammaan bulshada, jaaliyadaha dibadda iyo ganacsatadu in ay ka wada qayb qaataan dhammaystirka mashruucaas wax ku oolka ah.

    5.3.     In la hormariyo dhammaan adeegyada bulsho iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaannada beeshu degto sida waddooyinka, garoomada diyaaradaha, ceelasha , goobo waxbarasho iyo caafimaadba ayadoo lala kaashanayo shacabka deegaanka, qurbo joogta, hay’adaha dawliga ah iyo kuwaan dawliga ahaynba.

    5.4.     Degmooyinka Gobalka Mudug ee kala ah Gaalkacyo iyo Hobyo, waxaa shirweynuhu xoojiyey codsiga degmooyinkaas ay u gudbisteen wasaaradda arrimaha gudaha ee XFS ee ah in lagu daro mashruuca horumarinta magaalooyinka ee JPLG.

    5.5.     In la mamnuuco si wadajir ahna looga hortago shacab ahaan, maamul ahaan iyo ciidanba xaalufinta deegaanka iyo khayraadka baddeenna. cid kasta oo ku hawllan jaridda dhirta iyo shididda dhuxusha ama kalluumaysiga sharci darrada ahna ay wajihi doonaan ciqaabta ay mudan yihiin.

    6. NABADDA IYO CADAALADDA

    6.1.     In la adkeeyo nabad ku wada noolaashaha beelaha ku wada nool gobolka Mudug iyo Galgaduud oo ay beeshu wax ka deggan tahay.

    6.2.     In laga hortago meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo waxyeelaynaysa nabad ku wada noolaashaha beelaha deriska ah, ayadoo la bogaadiyey nabadda ka jirta magaalada Gaalkacyo ee ay ku wada nool yihiin reer Gaalkacyood iyo sidii loo sii adkayn lahaa.

    6.3.     In la tayayeeyo, lana xoojiyo ciidamada amniga ee Gobolka ka hawlgala iyo kuwa isku dhafka ah ee xasilinta magaalada Gaalkacyo.

    6.4.     In gobolkani uu helo qoondada & xuquuqda uu ku leeyahay ciidamada qaranka ee Dawladda Federaalka ah ay Galmudug ka diiwaan-gelineyso.

    6.5.     In loo aqoonsado, laguna keli yeelo ciqaabtooda dambiilayaasha geysta xadgudubyada ka dhaca deegaanadaan isla markaana la isla qaatay in lala tiigsado shareecada islaamka iyo shuruucda dalka u yaalla.

    6.6.     In la dhiso hey’adaha garsoorka iyo xabsi dhexe oo laga hirgaliyo magaalada Gaalkacyo–Galmudug, ayadoo lala kaashanayo hey’adaha federaalka ee hawshaas ku shaqada leh iyo cid kasta oo kale oo gacan lagu siinaysa hirgalintooda.

    7. GUNAANAD

    Shirweynuhu wuxuu iclaamiyey Shir kale oo lagu qabto magaalada Hobyo taariikh 20 December 2019 illaa 20 January 2020, kaasoo ku saabsan arrimaha dhaqanka beesha.

    8. MAHADCELIN

    Shirweynuhu wuxuu u mahaceliyey booqashadii raysulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku yimid magaalada Gaalkacyo iyo taageeradii uu u muujiyey shirweynihii beesha Sacad uga socday Gaalkacyo iyo sidoo kale taageeradiisii shirka nabadda Hobyo ee beelaha Habargidir.

    Shirweynuhu wuxuu u mahadceliyaa dadweynaha Gaalkacyo, maamulka Gobolka iyo Degmada Gaalkacyo, odayaasha dhaqanka, ururada haweenka iyo dhallinyarada, ciidamada ammaanka, ergooyinkii iyo mas’uuliyiintii ka yimid magaalada Muqdisho iyo dibadda, sida hufnaanta leh ee ay uga soo qaygaleen shirka iyo kaalinta ay ka qaateen horu socodkiisa iyo miro-dhalkiisa.

    DHAMMAAD

    Beesha H/Gidir Beesha Sacad Galmudug Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXog dheeraad ah oo laga helay Qaraxyadii magaalada Dh/mareeb. [Qarax labaad oo la fashiliyey]
    Next Article Askar ka tirsan Booliska oo lagu dilay Muqdisho & Dagaal maleeshiyo & Ciidamo ku dhex maray…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo