Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada u socday muddo 8 maalmood ah.
Shirka oo loo dooday arrimo fara badan oo khilaaf ka dhex taagnaa ayaa ugu danbeyn heshiis laga gaaray kadib shirar xiriir ah oo habeen iyo maalin ka socday madaxtooyada Soomaaliya.
War-murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa waxaa ku qoran ilaa qodob oo heshiis laga gaaray, kuwaasoo quseeya arrimaha federaalka, amniga, qeybsiga kheyraadka iyo qoddobo kale.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA