Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»QODOBADDA HESHIISKA DOWLADDA FEDERAALKA & DOWLADAHA XUBNAHA KA AH [SAWIRRO]

    QODOBADDA HESHIISKA DOWLADDA FEDERAALKA & DOWLADAHA XUBNAHA KA AH [SAWIRRO]

    November 5, 20176 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu qabtay kulan wada tashi oo u dhexeeye Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir 28-kii Oktoobar ilaa 5tii, Nofembar, 2017, kulankaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa daba socday Casumaadii Maxadweynuhu u diray Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah.

    Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre; Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaal, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar); Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfuur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf); Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare; Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

    Kulanka waxaa looga hadlaayay qodobada ay ka mid yihiin:

    1. Dardargelinta Nabadgelyada dalka iyo Ciribtirka Argagixisada

    2. Horumarinta hannaanka Federaalaynta dalka

    3. Dardargelinta dib-u-eegista Dastuurka iyo Abuurista hannaan wadajir ah

    4. Geedi socodka Doorashada 2020

    5. Xoojinta wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

    6. Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimo

    Wadatashi dheer kadib waxay dhinacyadu ku heshiiyeen:-

    1. Siyaasadda

    a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed.

    b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.

    c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida.

    d. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

    2. Amniga

    a. La-dagaalanka Argagixisada 

    i. In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada.

    ii. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba.

    iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.

    b. Dhismaha Ciidan Qaran 

    i. In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture).

    ii. In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah.

    iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka.

    iv. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.

    3. Arrimaha Federaalka

    a. In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah.

    b. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Saxiixin.

    c. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.

    d. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada.
    e. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada asaasiga u ah noloshooda.

    4. Arrimaha Doorashooyinka 2020

    a. In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas suurta-geliya.

    b. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro caqabadaha hor taagan doorashooyinka.

    c. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo.

    d. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato.

    5. Deb-u-eegista Dastuurka

    a. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018.
    b. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni Shacab iyo wadatashi buuxa.

    c. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro ahaan iyo tayo ahaanba.

    d. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

    e. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho wadatashi loo dhan yahay.

    6. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada

    a. Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah oo kasoo talo bixiya.

    b. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada.
    c. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience Strategy).

    DHAMMAAD

    Heshiis Madaxda maamul Goboleedayda Top War-murtiyeed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: War-murtiyeedka laga soo saaray shirkii Madaxda Dowlada Federaalka & Maamul Goboleedyada
    Next Article Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyay Taliyaha ciidamada xoogga dalka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo