Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Akhriso: War-murtiyeedka Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Qodob Shaki badan dhaliyay

    Akhriso: War-murtiyeedka Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Qodob Shaki badan dhaliyay

    October 31, 2022Updated:October 31, 20223 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii Golaha Wadatasiga Qaran ee madaxda Soomaalida oo muddo 5 maalmood aha ka socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabgabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 5 Qodob.

    War-murtiyeedka ayaa waxaa ka mida qodob shaki badan dhaliyey oo ku saabsan Doorashooyinka oo la sheegay in la qabanayo kuwa heer federaal ah iyo heer maamul Goboleed, isla markaana ay noqon doonaan doorashooyin ku saleysay xisbiyada badan.

    Shirka oo uu guddoomiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka qeyb galay madaxda maamul Goboleedyada dalka, Ra’iisal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

    HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA:

    Golaha Wada-tashiga Qaran waxa uu:

    • Bogaadinayaa guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen Ciidanka Qalabka-Sida oo kaashanaya kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.

    • Ammaaney gargaarka bani-aadannimo iyo gurmadka dadka ay abaaruhuu saameeyeen ee ay waddo XFS oo kaashaneysa shacabka, DXDF iyo beesha caalamka.

    • Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay, wuxuuna ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda.

    • Bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland ee hirgeliyey dekadda Garacad oo noqotay isku-tashi ku dayasho mudan.

    • Bogaadinayaa dadaalka ay Dowladda Puntland ugu jirto horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeynta iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

    • Bogaadinayaa dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka kala dhexeeya saaxiibada caalamka.

    QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY

    Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedyadii shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 12 June iyo 12 September 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda:

    1.SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

    • Golohu wuxuu isla qaatay ka ciribtirka kooxaha khawaarijta dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golohu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istratejiyad qaran ee la dagaalanka khawaarijta la iskuna dubarido dadaalada kala duwan.

    • Golohu wuxuu isla qaatay dhaqan-gelinta heshiiska Qaab-Dhismeedka Amniga Qaranka ee la saxiixay April 2017, wixii farsamo ahna waxaa ka shaqayn doona guddi farsamo.

    • Golohu wuxuu dhiirigelinyaa dardargelinta qorshaha kala guurka ee ciidamada qaranka ay kagala-wareegayaan mas’uuliyadda amniga ciidamada ATMIS si dhameystiran.

    2.GURMADKA ABAARAHA IYO LA TACAALIDDA SAAMEYNTA ISBEDDELKA CIMILADA

    • Goluhu wuxuu diiradda saaray saamaynta abaaraha soo noqnoqonaya ee dalka ka jira iyo raadka ay ku reebaayaan hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu hay’adaha gargaarka farayaa dardargelinta gurmadka abaaraha.

    • Goluhu wuxuu sidoo kale isla qaatay baahida weyn ee loo qabo maareynta iyo la tacaalidda saameynta is-baddelka cimilada iyo dhisidda kaabayaasha u adkaysiga aafooyinka.

    3.DARDARGELINTA DIB-U-EEGISTA DASTUURKA

    • Goluhu wuxuu isla qaatay in mudnaan gaar ah la siiyo qodobada wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan si loo dhameystiro dib-u-eegista dastuurka KMG.

    • Goluhu wuxuu isku raacay in XFS iyo DXDF ay soo dhammaystiraan xubnaha ka dhimman Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka KMG.

    4.DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

    • In dalka laga dhaqan-geliyo nidaamka xisbiyada badan iyadoo dib loo milicsanayo xeerarka xisbiyada iyo doorashooyinka.

    • In dalka oo dhan laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan kuna saleysan codbixiyeyaal diiwaan-gashan iyo xisbiyo u tartama goleyaasha heerarka kala duwan.

    • In dalka laga qabto laba doorasho; mid Heer Federaal ah iyo mid Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

    5.JADWALKA IYO HABRAACA SHAQO EE GOLAHA WADATASHIGA QARAN

    • Golohu wuxuu isku raacay in uu samaysto habraac shaqo oo qeexaya hannaanka loo marayo heshiisyada, qaab-dhismeedkiisa, hawlaha golaha, qodobada wada-xaajoodyada iyo dhaqan-gelinta go’aamada Golaha.

    • Goluhu wuxuu isku raacay in labada shir ee soo socda ay qabsoomaan Disember 2022 iyo Febraayo 2023.

    Golaha Wadatashiga Qaran Muqdisho Top War-murtiyeed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleJen. Saadaq Joon oo Qoraal ku weerarray Culimada iyo Sheekh Caan ah oo jawaab culus siiyay
    Next Article Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo xilkii laga qaaday, Dibna loogu magacaabay Abwaan…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo