Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Jen. Saadaq Joon oo Qoraal ku weerarray Culimada iyo Sheekh Caan ah oo jawaab culus siiyay

    Jen. Saadaq Joon oo Qoraal ku weerarray Culimada iyo Sheekh Caan ah oo jawaab culus siiyay

    October 31, 2022Updated:October 31, 20222 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka mida xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa jawaab culus oo lama filaan ah kala kulmay qoraal uu saaka ku weerarray culimada iyo kaalintooda dagaalka lagula jiro argagixisada.

    Jeneraalka oo dhowaan darajadiisa loo soo celiyey, markii uu hore uga xayuubiyay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraalkiisa ciwaan uga dhigay: Aaway Culummadii…?, wuxuuna sii raaciyey:

    1. Ma hadli karaa?

    2. Dhiig Ma shubi karaan?

    3. Cunto Magayn karaan?

    4. Dhawacyada Qur’aan kumasoo aqrin karaan?

    5. Janaasooyinka Kuma tukan karaan?

    6. Dhaawacyada Masoo booqankaraa?

    7.Nadaafada kama qayb qaadankartaa?

    Qoraalkaas kadib waxaa jawaab culus ugu soo jawaabay Sheekh muddooyinkii dambe ku caan baxay inuu codkiisa kula dagaalamo Alshabaab oo lagu magacaabo Suldaan Abdiqani Qorane, wuxuuna jawaabtan culus u diray Jeneraal Saadaq Joon:

    “Xildhibaan Saadaq Joon, marka aad culumada u keentid ciidamo ka waardiyeeya Khawaarijta wuxuushta ah iyo gaadiid aysan xabbaddu karin (Pullet proof vehicles), xaafado amnigoodu sugan yahayna dejisid ama adigu aad ciidamada iska reebtid, gawaarida gaashaamanna ka degtid, xaafadaha shacabkana soo dhex degtid, dhiigna aad adogu bixisid marka hore ayey su’aashaas kuu furan tahay, Jawaabteeda oo ficil ahna aad heli kartaa. Intaas inta ka horreysa tooshka aad ifineysid adiga un buu ku qabanayaa.

    Culumadu dagaalkan wey galeen, wey ku dhinteen, weyna u dakanoobeen, walina wey u taagan yihiin iyadoo cid aan Alle ahayn oo u maqan aysan jirin ee Brig. Jeneraalow culumada wax ula har adigana wax isula har”

    Jawaabta culus waxaa mar kale ka jawaabay Saadaq Joon oo yiri: ” “Shiekh Suldan ixtiraam Umdda Soomaaliyeed kuu hayso oo kale ayaan kuu hayaa Waxaan lahaa kaligaa ayaad noqotee Garab u raadi. Aniga Waxaan qabanayana bilaa Sawir ayaan qabtaa. Baraarujin Culimmo ayay eheed ee Eedayn Ma ahayn”.

    Xilligan ay taagan tahay saameynta ka dhalatay Qaraxyadii Soobe 2, waxaa Baraha bulshada ka socda is-eedeyn iyo dhibco badsi, iyadoo marba qolo weerar lagu qaadayo, loogana faa’iideysanayo xaaladda taagan, waxaase aad u yar, dadka ka hadlaya mas’uuliyadda Amniga cidda gabtay ee ay ahayd in lagula xisaabtamo.

    Alshabab Saadaq Joon Suldaan Qorane Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan si kulul uga hadlay Qaraxyadii Soobe: “Saraakiisha Qaraxyada gudbiya ee…”
    Next Article Akhriso: War-murtiyeedka Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Qodob Shaki badan dhaliyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo