Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO WAR-SAXAAFADEED: Wasiirada Arrimaha Dibadda Somalia, Itoobiya iyo Eriteria oo ku shiray Muqdisho

    AKHRISO WAR-SAXAAFADEED: Wasiirada Arrimaha Dibadda Somalia, Itoobiya iyo Eriteria oo ku shiray Muqdisho

    October 17, 2018Updated:October 17, 20183 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ka soo saaray war-saxafadeed.

    Saddexda dal ayaa sheegay inuu shirkoodu daba joogo shir madaxeedkii saddexda dowladood ku yeesheen magaalada Asamra, isla markaana ay heshiis ka gaareen dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda.

    HOOS AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya Mudane Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, Soomaaliya 17kii Oktoobar, 2018.

    Booqashadani waxay qayb ka tahay iskaashiga dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya saddexda dal iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray magaalada Asmara, bishii Sebteembar, 2018.

    Intii booqashadu socotey, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasiirradu waxay sidoo kale wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre.

    Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.

    Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliyeen tallaabooyinka togan ee hore loo qaaday kaddib markii la gaaray heshiiska saddex-geesoodka ahaa, kuwaas oo ay kamid tahay dib u furista xuduudda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo celinta duullimaadyada tooska ah ee isaga kala goosha caasimadaha saddexda dal.

    Iyaga oo metelaya madaxdooda, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya waxay ku celiyeen taageeradooda xooggan ee ku wajahan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.

    Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dadaallada dib loogu habaynayo waaxyaha dhaqaalaha iyo amniga iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed.

    Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay tixgelinayaan dadaallada dib u habayn ee ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyaga oo xusay kalsoonida kobcaysa ee Beesha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

    Wasiirradu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab istaagi doonaan shacabka Soomaaliya iyo hoggaankiisa maaddaama ay rajo fiican u yihiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Beesha Caalamka ugu baaqeen inay si midaysan u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan in la hirgeliyo isbeddelka lagama maarmaanka u ah soo kabashada Soomaaliya ee wakhtiga fog.

    Wasiirrada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso ee gudaha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

    Hoggaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay amniga, barwaaqada iyo xasilloonida gobolku, iyaga oo dib u adkeeyey dhawridda madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee saddexda dal.

    Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay ka mahadceliyeen martisoorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socdey.

     

    Eritrea Ethiopia Muqdisho Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSenatoro ka tirsan Aqalka Sare oo u jawaabay Axmed Ducaale Geelle Xaaf [Akhriso War-saxaafadeed]
    Next Article Digniin laga soo saaray Colaadda raagtay ee Degaano ka tirsan Degmada Cadalle [War-saxaafadeed]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo