Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Akhriso: Warbixin AP ka qortay Culeyska kusii kordhaya Maxamed Farmaajo iyo Shirkii Golaha Amniga

    Akhriso: Warbixin AP ka qortay Culeyska kusii kordhaya Maxamed Farmaajo iyo Shirkii Golaha Amniga

    April 1, 2021Updated:April 1, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay ugu baaqay hogaamiyayaasha Soomaalida in ay ku kulmaan fursadda ugu horreysa si looga gudbo is-mari waaga siyaasdeed ee dib u dhigaya qabashada doorashooyinka ee qorshuhu ahaa inay dhacaan 8-dii Febraayo.

    Warbixinta Wakaalada wararka AP ka qortay shirkii Golaha Amniga ee Xaaladda Soomaaliya oo ahaa kulan albaabada u xirnaayeen ayaa lagu sheegay inuu Golaha warbixin ku siiyey ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay James Swan, waxa ay ku sheegeen in doorasho loo dhan yahay ay u qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la eegayo, ayuu goluhu yiri, danta ummada Soomaaliyeed.

    Culeyska ayaa ku sii kordhayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tan iyo markii ay guul-darreysatey doorashadii February kadib markii la isku raaci waayey sid ay doorashadu u dhaceyso. Madaxda laba maamul goboleed ayaa sheegey in haddii aanan heshiis la gaarin aysan ka qeybgeli doonin doorashada.

    Qodobada la isku mari la’yahay waxaa ka mid ah sameynta guddiga maamulaya doorashada, soo xulista xubnaha guddiga doorashada ee Somaliland ama gobolada waqooyi iyo xiisadda gobolka la isku hayo ee Gedo.

    Dadka dura madaxweyne Farmaajo oo raadinaya in mar kale lasoo doorto ayaa ku eedeynaya inuu dib u dhigayo doorashada si uu usii ballaarsado mudo xileedkiisa dhamaadey, wuxuuna madaxweynuhu dhankisia eedeyn u jeediyey faragelin shisheeye oo aanan la magacaabin.

    Golaha Amaanka ayaa ugu yeerey dhinacyada Soomaalida in ay xalliyaan arrimaha taagan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September.

    Baaqan ayaa ah kii labaad muddo bil gudaheed ah oo ay golahan oo ah kan ugu awoodda badan QM uu kasoo saaro arrimaha doorashada Soomaaliya.

    March 12-keedii, golaha ayaa usoo jeediyey madaxda dowlada dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay diyaariyaan doorasho xor ah, xalaal ah lana aamini karo oo loo dhan yahay, iyadoo la raacayo heshiiskii September 17-kedii dibna aanan loo dhigeyn.

    Safiirka Britain ee golaha amaanka Barbara Woodward oo kulankan isugu yeertey iyada iyo xubno kale oo golaha ka tirsan ayaa sheegtey in James Swan uu u sheegey golaha in hanaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay dareen deg deg ah.

    Waxaa kaloo ay sheegtey in goluhu soo dhaweynaayo dadlaalada uu wado Danjire Swan ee dhinacyada la isugu keenayo, si loo sii ambaqaado hanaanka doorashada, sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo aanan gorgortan la gelineyn.

    AP Doorashada Farmajo Somali elections Top UN
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGolaha Ammaanka oo Bil gudaheed kulan gaara ka yeeshay Doorashada Soomaaliya iyo War cusub oo…
    Next Article Booliska oo soo bandhigay waxyaabo Qarxa iyo Rag la sheegay inay xubno ka tirsan yihiin Alshabaab oo…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo