Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»AKHRISO WARBIXIN: Sida Madaxweyne Farmaajo u fashiliyey Xalkii loo raadinayey Caqabadaha Doorashada

    AKHRISO WARBIXIN: Sida Madaxweyne Farmaajo u fashiliyey Xalkii loo raadinayey Caqabadaha Doorashada

    January 9, 2021Updated:January 16, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dadaalkii loogu jiray xal loo helo caqabadaha hortaagnaa Doorashada Dadban ee gashay sanadka 2021 ayaa u muuqda mid burburay oo meesha ka baxay, kadib markii ay si xeelad ku dhisan Madaxtooyada Soomaaliya u fashilisay.

    Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in si fashil ah lagu soo afjaray waanwaantii uu ku howlanaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, kadib kulamo xiriir ah oo shalay 8-da Janaayo 2021 Madaxtooyada Soomaaliya ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed.

    AFARTII QODOB EE LA ISKU HAYAY IYO SIDA LOO WAJAHAY

    Kadib is-aragyadii magaalada Garowe ku dhex maray madaxda Puntland, Jubbaland, Galmudug, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo qaar ka mida Musharixiinta ayaa rajo badan laga muujiyey in xal laga gaari karo arrimaha hortaagnaa Doorashada, laakiin waxay arrimihii isu bedeleen, in lagu dhawaaqayo inuu fashilmay waanwaantii arrimaha Doorashada.

    Madaxweyne Qoorqoor iyo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa loo diyaariyey inay shir jaraa’id qabtaan xalay xilli danbe, kaasoo aan la baahin arrimo saameyn ku yeeshay dartood, waxaana Ujeedka ugu weyni ahaa in fashilka waanwaanta dusha loo saaro Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu diiday shirkii la sugayay inay madaxda dowlada iyo Maamul Goboleedyada isugu yimaadaan si xal loogu helo arrimaha taagan.

    Arrimaha soo socda ee xalka loo raadinayay waxay madaxtooyadu u marin habaabisay sida soo socota:

    • Arrinta Gobolka Gedo

    Waanwaan hoose ayaa la isla meel dhigay oo ku saabsan in kuraas min saddex ah loo kala wareejiyo magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey, waxaana arrintan oo looga hoos bixi lahaa in ciidamada Dowladda laga saaro Gobolka Gedo ama ugu yaraan magaalada Garbahaarey ay cakiran markii Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo ku adkeysteen mowqifyadoodii hore.

    • Guddiyada Doorashada

    Arrinta Guddiyada Doorashada oo madaxweyne Farmaajo ogolaaday in wax laga bedelo, wuxuu haddana ku xiray laba shuruud oo ah in marka hore ay Puntland iyo Jubbaland Guddiyadooda ka saaraan shaqaalaha iyo la-taliyeyaashooda. Sidoo kale waxay Madaxtooyada Soomaaliya dalbatay in Musharixiinta ay soo gudbiyaan liiska xubnaha ay doonayaan in laga saaro Guddiyada Doorashada iyo caddeynta ay u hayaan.

    • Arrinta Doorashada Somaliland

    Arrinta Guddiyada Somaliland ayaa lagu fashilmay markii lagu heshiin waayey kulan dhex maray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka, taasoo ka danbeysay markii Mahdi Guuleed uu ka dalbaday Cabdi Xaashi inuu usoo gudbiyo 4 xubnood oo ku darsanayo Guddiga Doorashada Somaliland.

    Cabdi Xaashi ayaa la sheegay inuu ka biyo diiday xubno uu ku darsado Guddiga Doorashada, kuna dooday inay arrintu ahayd in maamulka Doorashada xildhibannada kasoo jeeda Somaliland laga wadahadlo, lagana heshiiyo.

    • Gobolka Hiiraan

    Xaaladda Gobolka Hiiraan ee dhalatay markii la doortay maamulka cusub ayaa ahayd arrin kale oo dib uga soo biirtay caqabadaha hortaagan doorashada, waxaana arrintaasi madaxda dowladda Federaalka ka dhigeen mid amni, iyadoo ciidamo sugaya amniga loo dirayo si doorashadu uga dhacdo.

    GABAGABO

    Shirarkii dhex maray Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada taageersan ee Axmed Qoorqoor, Cali Guudlaawe, C/casiis Lafta-gareen oo kulamada qaarkood uu kula soo biireen Ra’iisal wasaaraha iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, waxaa la iskula gaaray in dalku doorasho aado.

    Dadaalkii xal u helidda Qoorqoor ayaa kusoo dhammaaday in Madaxweyne Farmaajo uu meesha ka saaray shir kale oo Garowe ka dhaca ama Muqdisho oo looga hadlo Doorashada, sida ay doonayeen Beesha Caalamka iyo madaxweynaha Puntland, wuxuuna ku adkeystay in lagu soconayo rabitaanka Madaxtooyada Soomaaliya ee ahaa in la qabto doorasho ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare bannaanka ka joogo, ayna diidan yihiin Musharixiinta Madaxweynaha.

    Eeda fashilka ku yimid waanwaanta ayaa la filayaa inay Madaxtooyada Soomaaliya dusha u saarto, Puntland iyo Jubbaland oo diiday inay waqtigii loo qabtay inay kusoo gudbiyaan liisaskii laga sugayey, Musharixiinta oo soo gudbin waayey xubnaha ay doonayaan in laga saaro Guddiyada Doorashada iyo caddeyntooda iyo Cabdi Xaashi oo diiday inuu magacaabo xubnihii uga mid noqon lahaa Guddiga Doorashada ee Somaliland.

    Baaqashada shirkii jaraa’id ee lagu shaacin lahaa fashilka ku yimid waanwaantii arrimaha Doorashada ayaa dhaliyey shaki kale oo ku saabsan qaabka loo dhigayo arrintan iyo halista ka imaan karta, waxaana Madaxweyne Qoorqoor oo u janjeera madaxweyne Farmaajo saaran culeys weyn oo ah inuu qaato rabitaanka madaxweynaha ama inuu dhexdhexaadintiisii ku socdo.

    Haddii arrinta kusoo dhammaato rabitaanka madaxweyne Farmaajo, Rajada markaas hartay ayaa noqoneysa inay Beesha Caalamka soo farageliso Doorashada halka dhinac u socoto ee uu doonayo Madaxweynaha inuu ka qabto saddex maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir.

    GOOBJOOGE

    Doorashada Farmajo heshiiska Doorashada Madaxtooyada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAxmed Madoobe oo Farriin ku saabsan Gobolka Doorashada Gobolka Gedo u diray Madaxweyne Farmaajo
    Next Article Ra’iisal Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in Dowladdu Go’aansatay Doorasho la gelayo, iyadoo…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo