Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho uga bilaabaneysaa maanta magaalada Gaalkacyo, isagoo kadibna tegi doona magaalooyin ka tirsan deegaanada Galmudug.
Magaalooyinka Galmudug ee uu tegayo Madaxweyne Farmaajo waxay ka mida: Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug, waxaana hadda ku sugan Madaxwaynaha Galmudug, Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo Sanetor Cabdi-Qaybdiid oo ay wehliyaan xildhibannada labada Gole.
Magaalada Cadaado: ayaa la sheegay inay tegi doonaan wafdiga madaxweyne Farmaajo, iyadoo muddo saacado ah uu joogi doono wafdiga, inkastoo xaalad cabasho ah iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiska Ahlu suna iyo Galmudug ay saameyn ku yealatay.
Magaalada Cabudwaaq: ayaa ah magaalada xigta ee uu cagta marin doono wafdiga madaxweyne Farmaajo, waxaana ku sugan Madaxwayne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole ee kasoo jeeda degaankaasi.
Magaalada Dhuusomareeb: ayaa ah goobta ugu muhiimsan safarkiisa, iyadoo magaaladaasi si weyn loogu diyaar garoobay, isla markaana lagu caleemo saari doono maamulka mideysan ee Galmudug, halkaasoo lagu soo afjari doono heshiiska Ahlu suna iyo Galmudug.
Dhuusamareeb waxaa ammaankeeda gacan bir ah ku haya maamulka Ahlu suna ee la midoobay Galmudug, waxaana ammaankeeda lagu wareejiyey ciidamo cusub oo tababar loo soo xiray. Ma cadda inuu Madaxweyne Farmaajo tegi doono Guriceel oo dadaal loogu jiro inay noqoto magaalada ugu danbeysa ee uu booqdo.