Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 19 -kii Disembar 201 caasimadda maamul goboleedka KMG ah ee Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe u magacaabay magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.
Xiiligaas lama dhisin, maamul Goboleedka Hirshabeelle, waxayna ahayd tallaabadii ugu horeysay ee loo qaaday dhismaha Maamulka kaliya ee k haray maamul Goboleedyada, waxaana xilligasi lagu sheegay wareegtada in Buuloburte ay noqoneyso caasimadda maamulka KMG ah ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe iyadoo magaalada Jowhar ay iyaduna marti gelin doonto shirka maamulka loo sameynayo labada gobol.
Dood dheer iyo is-heysad ka dhashay dhismaha maamulka Hirshabeelle ayaa markii dan be caasimada maamulkaasi laga dhigay magaalada Jowhar, iyadoo ansixiyeen ergadii shirka lagu dhisay maamulka Hirshabelle.
Mar kale hadda ayaa waxaa la saadaalinayaa in isbedel kale ku imaan karo qaab dhismeedka maamulkani oo 4 sano ugu dhammaatay horumar la’aan dhinacyada siyaasadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad dhissidd ah.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

XEER MADAXWEYNE LR. 86 TAARIIKH: 19/12/2015
MAGACAABIS CAASIMAD GOBALEEDKA MAAMULKA KMG AH EE HIIRAAN IYO SHABBEELLADA DHEXE
MADAXWAYNAHA J.F.S
MarkuuArkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee
Dastuurka J.F.S.
Markuu Arkay : SharciLr. 116 ee so obaxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballada dalka
Markuu Tixgaliyey: Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda
Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe
Markuu Garwaaqsaday: inay lagama maarmaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo
xallinta khilaafaadyada iyo inay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalka si ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:
Qodobka 1aad
Wuxuu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2015 in Magaalada Buulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyoS habeellada Dhexe ay yeelanayaan.
Qodobka 2aad
Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo ShabeelladaDhexe.
Qodobka 3aad
Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri doonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.
Qodobka 4aad
Waxa uu Xeerkan dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.
MUQDISHO: 19/12/2015
Madaxweynaha J.F.S
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud