Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: Warmutiyeedka laga soo saaray shirkii Madasha Qaran [SAWIRRO]

    AKHRISO: Warmutiyeedka laga soo saaray shirkii Madasha Qaran [SAWIRRO]

    April 12, 2016Updated:April 12, 20166 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Qodobadda laga bedelayo Heshiiska Doorashada 2016
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa goor dhoweyd xaruna Madaxtooyada Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii Madasha Qaran ee Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban saddex bog.

    Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo xubnaha Dowlad Goboledyada ka socday ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulka Puntland ku dhexmaray Magaalada Garowe, heshiiskaasi oo Puntland lagu qanciyay in doorashada sanadkan lagu saleeyo 4.5 inay ogolaadaan.

    Madasha Hogaanka Qaran ayaa la isla gartay  inaan mudada loo kordhin doonin mudada Xil haynta Golaha shacabka iyo Madaxda Dowladda Federalka Somaliya.

    WAR-MURTIYEEDKA OO QORAAL AH

    MADASHA HOGAANKA QARAN- WAR-MURTIYEED

    1. Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho 9-ka ilaa 11-ka bisha Abril 2016.
    2. Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawari; Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke; Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed.
    3. Madaxda Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhoweeyeen heshiiska ay Dowladda Federaalka iyo Puntland wada gaareen 3-dii Abril, waxayna garowsadeen in uu waddada u xaarayo hirgelinta geeddi socodka doorashada sannadka 2016, iyo weliba isu diyaarinta loogu jiro doorasho dadweyne (qof iyo codkiisa) ee dhici doonta sannadka 2020.

    4. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadka ah in aan loo kordhin doonin mudada xil haynta Golaha Shacabka iyo Dawladda Federaalka.

    Madashu waxay sidoo kale ugu yeertay qaybaha kala geddisan ee ay khusayso in ay hubiyaan u diyaargarowga iyo hirgelinta doorashada 2016 mudada loo cayimay. Waxa kale oo ay ka codsadeen bulshada caalamka in ay ka caawiyaan fulinta hawshaas. Sidaa daraadeed, Madasha Hoggaanka Qaran waxay isku raaceen hannaanka iyo qaab-dhismeedka soo socda:

    Habka iyo Qaab-dhismeedka Doorashada:

    a. Hannaanka doorashada 2016 wuxuu noqon doonaa mid dalka uga hirgala si isku mid ah. Waxa la dhisi doona laba guddi doorasho oo kala ah: Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Qaran iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Dawlad Goboleed. Guddiyadu waxay ka kala imaan doonaan: Dawladda Federaalka ah, Dawladaha xubnaha ka ah iyo kuwa samaysmi doona.

    b. Guddiga Doorasho ee Heer Qaran wuxuu ka koobnaan doonaa 17 xubnood, kuwaas oo ay 5 xubnood soo magacaabayso Dawladda Federaalka halka ay dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ay mid kasta soo magacaabi doonto 2 xubnood.

    c. Guddiga Doorasho ee Heer Dawlad Goboleed midkiiba wuxuu ka koobnaan doonaa 11 xubnood; 8 ka mid ah waxaa soo magacaabaya dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; 3 xubnoodna waxaa soo magacaabaya Dawladda Federaalka.

    d. Guddiga Doorasho Heer Qaran iyo Guddiga Doorasho ee Heer Dawlad Goboleed waxa loo soo dhisi doonaa sida ugu dhakhsaha badan, waxayna gudageli doonaan dhammaan hawlaha diyaargarowga iyo fulinta doorashooyinka. Madaxda Hoggaanka Madasha Qaran ayaa labada guddi u sameeyn doona habraacooda shaqo.

    e. Madaxda Hoggaanka Qaran waxay dhisi doonaan guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka 2016.
    Geeddi-socodka:

    Aqalka Sare:

    f. Dhismaha Aqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran wuxuu ka horrayn doonaa doorashooyinka Aqalka Hoose.

    g. 30% kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad Goboleedyada iyo kuwa dhismaya waxaa si gaar ah loogu qoondeeyay haweenka tartamaya.

    h. Golaha Fulinta ee Dawlad Goboleedyada waxay kursi kasta usoo magacaabayaan ugu yaraan labo murashax oo u tartamaya. Baarlamaanada Dawlad Goboleedyada ayaa u codayn doona kursi kasta gaarkiis.

    i. Dawlad goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxay samaysanayaan qaab ay kuraasta ugu qaybiyaan beelaha/dadyowga ama deegaanada, qaabkaas oo ah mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinayo in dadka laga tirada badanyahay ay helaan metelaad ku filan.

    j. Codaynta xubnaha Aqalka Sare ee Golaha Shacabka ee Qaran waxa si siman oo isku maalin ah uga dhacayaan Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

    k. Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah ayaa si rasmi ah u soo saxiixi doona liiska xubnaha Aqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran ee ka iman doona dawlad goboleeyadooda ka dib marka guddiyada doorasho ay u soo gudbiyaan soona xaqiijiyaan natiijada kama dambaysta ah ee murashaxiinta guulaystay.

    Aqalka Hoose:

    a. Liiska Oday Dhaqameedyada 135 ka ah ayaa saldhig u noqonaya hannaanka doorashada Aqalka Hoose. Liiska Oday Dhaqameedyada dib baa loo eegayaa. Madax Dhaqameedyada dhintay waa la beddeli doonaa kuwa muranku ka jirna waa la sixi doonaa.

    b. Liiska kama dambaysta ah ee Oday Dhaqameedyada (135) ee la isku raacay ayaa soo xuli doona ergada doorasho iyagoo la tashanaya Nabadoonnada ay khusayso ee beesha xubinta leh.

    c. Murashax kasta oo u taagan Aqalka Hoose ah waxaa soo dooranaya ergo doorasho oo ka kooban 50 cod-bixiye. Wadarta ergada doorashada waxay noqonaysaa 275 x 50 = 13,750.

    d. Xubnaha ergada doorasho waxaa laga soo xulayaa jilibyada beesha kursigu ka dhexeeyo, waxayna meteli doonaan qaybaha kala duwan ee mujtamaca oo ay ku jiraan dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah. Ergo kasta ee doorasho waa in ay ugu yaraan 30% noqdaan haween.

    e. Cod-bixintu waxay ka dhici doontaa magaalo madaxyada ama goobaha fadhigga u ah Dawlad Goboleedyada hadda jira ama dhismaya iyo Muqdisho, iyadoo loo fiirinayo hadba sida juqraafi ahaan loo kala leeyahay kuraasta.

    f. Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa si rasmi ah u soo saxiixi doona liiska xubnaha Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Qaran ee ka iman doonaa dawlad goboleeyadooda ka dib marka guddiyada doorasho ay u soo gudbiyaan soona xaqiijiyaan natiijada kama dambaysta ah ee murashaxiinta guulaystay.

    g. Maaddaama ay Somaliland ka maqan tahay, ka qaybgalka hannaanka doorashada, xubnaha Aqalka Hoose ee matelaya Somaliland waxa lagu dooraan doonaa goobta ay isku raacaan madax dhaqameedyadii Somaliland ugu jira 135 ka.

    h. Waxa la isku raacay in qaybinta 275 ka xubnood ee Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka lagu saleeyo beelaha/ deegaamada qaybta ka ahaa dhismihii dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka iyo kuwa dhismi doona.

    Goobaha doorashada iyo arrimo kale:

    Doorashada iyo hannaakeeduba waxa ay ka dhici doonaan magaalo madaxyada dawladaha xubnaha Dawladda Federaalka ama xarumahooda ku meel gaarka ah.

    Madaxda Madasha Hoggaanka Qaran waxay kaloo go’aansadeen:

    1. In Garoowe lagu qabto shirka dastuurka qaranka 10-20 May 2016. Waxaa qabashada shirka dastuurka qaranka ka horrayn doona kulan ay yeelan doonaan Madaxda Madasha Qaran oo lagaga doodi doono, loogana heshiin doono arrimaha siyaasadeed ee dastuuriga ah ee khilaafku ka jiro si loo dardar-galiyo dib u eegista dastuurka.

    2. Dawladda Federaalku waxay la wadaagtay madaxda dawlad goboleedyada Siyaasadda Aminga Qaranka, waxayna soo dhawaysay in kulamo wadatashi ka dhicaan gobollada dalka si loo hormariyo hirgelinta siyasaddaas.

    3. Madashu waxay mahadcelin u soo jeedisay beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha taageeradooda joogtada ah ee ku aaddan hannaanka doorashada.

    4. Madashu waxay dareen xoog leh ka muujisay hab-dhaqanka iyo ficilada SEMG (Somalia Eritrea Monitoring Group); gaar ahaan sida ay u beegsanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, una hor istaagayaan geedi-socodka hannaanka dhismaha dawladeed ee Soomaaliya.

    5. Hannaanka doorashada 2016-ka iyo qaabka loo fulinayaba waxaa la horgeeyn doonaa Golaha Shacabka ee Federaalka si ay u ayidaan.

    DHAMMAAD


     

    HOOS KA AKHRI WAR-MURTIYEEDKA

    Madasha01 Madasha02 Madasha03

    SAWIRRO

    4

    i

    o

    q

    r

    y

    u

    Wadani.com

    Shirkii Madasha Qaran Villa Somalia Warmurtiyeed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaroole oo bilaabay ololihiisa musharaxa Madaxweyne [Daawo Fariintiisa Koowaad]
    Next Article DEGDEG: Wasiiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo tegay Jowhar

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo