Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»AKHRISO: Xasan Sheekh oo Qoraal dheer kasoo diray dalka Turkiga: [Soomaaliyey I Maqal]

    AKHRISO: Xasan Sheekh oo Qoraal dheer kasoo diray dalka Turkiga: [Soomaaliyey I Maqal]

    March 28, 2017Updated:March 28, 20176 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Soomaaliyey I Maqal

    Ilaa iyo waagii dowladnimada Soomaaliya ay dhalatay 1960kii, mar kasta waxaa jiray caqabado ay shacabka Soomaaliyeed la tacaalayeen ha ahaadaan kuwo siyaasadeed, dhaqaale, ama Bulsho. Inta badan caqabadaha waa xoojin jiray ama adkeyn jiray oo sababi jiray in si sahlan looga gudbi waayo, fahamka dhaqanka dowladnimada casriga ah ay u baahan tahay oo ay ugu horreeyaan sammirka, dulqaad iyo fogaan arag ah wixii aad manta weydo ama aad jecleyd iney dhacaan ee dhici waayay berri ayey ahaanayaan sida aad jeclaan lahayd. Waxaa taa mar walba barbar socday damaca qofka ama kooxda oo inteenna badan aaney awoodin inaan aqbalno waxa Soomaaliya danta u ah ee ka duwan tii aan jecleyn ama rabnay iney dhacdo.

    Sooyaalka taariikhda dhaw ee dowlad dhisidda Soomalia, gaar ahaan burburkii ka dib waxay u baahan tahay in dib loo milicsado toosinteedana qiimi badan loo huro. Qiimigaas oo ay ugu weyn tahay in laga dulqaato isqabqabsi keena dib u dhac iyo waqti badan oo Soomaaliya muhiim u ah inuu lummo. Arrinkaani wuxuu si weyn uga muuqdaa dowladihii kala duwaanaa ee Soomaaliya laga soo billaabo dowladdii lagu soo dhisay Carta sannadkii 2000.

    Marka laga reebo LABA sano oo uu socday shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Kenya 2002-2004, waxaa dalka laga soo dhisay AFAR dowlo oo ay hoggaminayeen AFAR madaxweyne oo soo magacaabay 12 Ra’iisul wasaare oo soo dhisay in ku dhaw 12 xukuummadood. Tani waxay tilmaamee in dowlad kasta ay soo martay SADDEX xukuumadood iyadoo dowladda ugu badani ay AFAR sano jirtay kuwo qaarkoodna ay howlgal ahaayeen in ka yar LABAO sano.

    Haddaba aqristow adaan kuu daayay ee isbarbar dhig howsha uu u baahan yahay dal burburay oo dagaal sokeeye ka soo baxay oo haddane argaxiso ku habsatay isla markaan dib u dhacsan muddo rubuc qarni ah ee qeyrkeen ku tallabsadeen horumarkii ugu weynaa ee ebid dunida ka dhaca gaar ahaan gobolka geeska Afrika ee aan ka tirsannahay joqoraafi ahaan. Haddii aan intaas uga baxo gogoldhiggii qormadaan kooban iyo maan dhabaandhawga aqristaha, maanta xaalkeennu xaggee marayaa?

    Maanta dalka waxaa ka jirta dowladdii SHANAAD ee burburkii ka dib oo uu hoggaaminayo madaxweynihii SAGAALAAD oo soo magacaabay Ra’iisulwasaarihii 13aad burburkii ka dib. Doorashada madaxweynaha waxaa taageeray dad aad u tira badan oo Soomaali ah sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha waxaa lagu ansaxiyay cod wadar-oggol ah ee golaha shacabka.

    Muddoo usbuucyo ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha waxay wadeen la tashiyo lala sammeynayey golaha shacabka iyo qeybaha bulshada gaar ahaan qabaa’ilka. Intaas ka dib, Ra’iisul-wasaaraha wuxuu dhisay xukuumad ay isaga, Madaxweynaha iyo qeybo ka mid ah dadkii ay la tashadeen u arkeen iney ku Habboon yihiin xilka loo magacaabay raggaas iyo gabdhahaas Soomaaliyeed. Inkasta oo muddadii magacaabista xukuumadda aan soo moogahay dalka, haddane waxaa saxaafadda, baraha bulshada iyo ila wareedyo kala duwan ku arkaa ama ka maqlaa tabasho ka soo yeereyso xubno ka tirsan siyaasiyiinta iyo qabaa’ilka qaarkood. Aniga oo ka duulayo waayo aragnimadeyda iyo inaan ahay oday Soomaaliyeed oo siyaasi ah kana tirsan golaha shacabka, waxaan jecleystay, anigoo soo koobaya, inaan idin la wadaago arrimaha soo socda:

    Waayo aragnimo

    1. Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha waqti intaas ka badan uma heli karin la tashiga noocaan ahna ma laha meel uu ku dhammaado laakin hadba intuu waqtiga kuu saamaxayo ayaa la sammeeyaa.

    2. Dhismaha Xukuumadda halka halbeeg siyaasadeed ee ay leedahay waa iney dhammaan qabaa’ilku Soomaaliyeed ka kooban tahay iyadoo la tixgelinayo halbeegyo kale oo dhinacyada farsamada la xiriiro.

    3. In laga fogaado shaqsiyaad bulshada dhexdeeda ceebo la taaban karo ku leh si dadku aaney uga gowsqabsan aqbalaaddooda, madaxduna aaney ugu mashquulin difaaciddooda iyo u qiil dayidooda.

    4. Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha iney sammeystaan habeegyo ay ku cabbiraan shaqsiga ay golaha ku soo darayaan

    5. In la dhowro shurrudaha ku cad dastuurka ee xubinta ka mid noqoneysa xukuumadda intii suurtagal ah

    Talo soo jeedin

    Talo soo jeedintaan waa mid ka madax bannaan hammi siyaasadeed iyo taageero qof ama koox gaar ah. Waa mid aan ula dan leeyahay oo kaliya hagaajinta iyo horay u socodsiinta dowladnimada Soomaaliya.

    1. Xukuumad kasta oo la dhiso waxay ka koobantaa qofaf aad adiga heyb wadaagtaan intii aad doontaan isku jira e, sidaas daraadeed waxaa habboon inaad oggolaato fursadda walaalkaa / walaashaa kugu Beesha ah. Ogow haddii aad diido in lagu hoggaamiyo adiguna wax ma hoggaami kareysid BARRI – waaba haddii BARRI ay ku qoran tahay qaamuuskaaga – Galliimi doonow galliin ha diidin.

    2. Ku dhawaad LIX bilood ayaan ku soo jirnay doorasho, ku dhawaad LABA biloodne waxaa lagu mashquulsanaa xukuumad dhisid. Intee in la eg oo waqti ah ayaa dalku ku sugnaa karaa xaladdaas xukuumad la’aanta ah annagoo og in dowladnimadeenna ay wali NUGUSHAHAY oo aaney noo xoogganeyn hab-maamul dowladeedkeenna (Bureaucracy).

    3. Haddii xukumadda maanta la dhisay la diido yaa noo ballan qaadayo tan ku xigta iney la oggolaanayo. Sow ma habboona inaan fursad siinno oo la ansaxiyo oo markaa ka dib haddii ay gudan weydo waajibaadkii loo igmaday aan wax ka baddal soo jeedinno annagoo raaceyna nidaamka noo deggan ee horay loogu heshiiyay.

    4. Ma dareensan tahay in inta aan ku mashquulsannahay xukuumad dhisidda, Soomaaliya ay wax badan uga hallabayaan xukuumad la’aanta. Meeqa isku day daneysi ajnabi iyo shaqsiyaad Soomaali ah ay wadaan ayaa socda oo la doonayo in dalka ama qeybo ka mid ah la TAFAARIIQ gadeeyo iyadoo laga faa’ideysanayo mashquulka madaxda iyo xukuumad la’aanta dalka ka jirta.

    5. Xaaladda jirta awgeed, meeqa shir oo arrimaha Soomaaliya looga tashanayo ayaa dhacay ama ballansan. Go’aannada shirarkaas qaarkood Soomaaliya waa ku qasban tahay iney u hoggaansato iyadoo aan talo ku lahayn markii la gaarayay.

    Gunaanad

    Dadka ku qoran liiska xukuumadda la soo magacaabay dhammaantood kuma qanacsani laakin qof iyo labo ila xun awgood ma qabo in loo hor istaago dhismaha xukuumadda. Sidaas daraadeed, waxaan usoo jeedinayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan xubnaha golaha shacabka ee aan ka mid ahay, iney go’aankooda la xiriira ansaxinta xukuumadda ay aad uga fiirasadaan oo aaney ku saleyn rabitaan ama caro maanta ku eg. In badan oo hadda ku jirta liiska xubnaha xukuumadda waxaa hubaal ah muddo dhaw ka hor kuma ayan riyooneyn iney Wasiir noqon doonaan waana noqdeen adigu ma ogid meesha ay fursaddaasi kuu soo jirto ee noqo mid walaalkii fursad siiya si uu isna berri fursad u helo markiisa.

    “GALLIIMI DOONOW GALLIIN HA DIIDIN”

    W/Q: Madaxweynihii hore ee Sooomaaliya
    Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud

    Qoraal Xasan Sheekk Soomaaliyeey I Maqal Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKASHIFAAD: Xaqiiqada Mucaaradnimada Beesha Wacbuudhan Abgaal ee xukuumadda cusub
    Next Article Maleeshiyo Gadoodsan oo qabsatay xarumaha maamulka Ahlu suna ee Magaalada Dhuusamareeb

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo