Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in 5 musharax ay isugu soo hartay tartanka doorashada xillka madaxweynaha maamulka cusub ee Hirshabeelle.
Baarlamaanka maamulka ayaa maanta dhageysanaya khudbooyinka musharixiinta, waxaana la filayaa inay doorashadu dhacdo isniinta beri.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle waxay kala yihiin:
Cali Cabdulaahi Cosoble
Maxamed Cabdi Waare
Cali Maxamed Carraale
Dhammaan waxay musharaxyada ka soo jeedaan Beesha Xawaadle oo si hoose loogu heshiiyay in la siiyo xilkan. waxaana liiska ka baxay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabgeed iyo guddoomiyihii hore C/fataax Hassan Afrax oo xilal wasiiro ah loo balanqaaday.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.
Cali Guudlaawe Xuseen iyo
Cali Xasan Taakoow
Labadan musharax oo ka soo jeeda beesha Abgaal ayaa hore loogu heshiiyay ciddii xilkan loo dooran lahaa.
Wadani.com