Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay degaanka Ceel-baraf ee degmada Mahadaay, gobolka Shabeelaha Dhexe oo kamid ah afarta tuulo ee Al-shabaabay gacanta ku hayeen muddo dhowr sanadood ah
Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay inay gudaha u galeen deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyadoo aan wax iska caabin ah la kulmi, waxayna dadka degaanka laga soo xigtay in maleeshiyada Alshabaab oo isaga baxeen magaalada xalay.
Ceel-baraf ayaa la sheegay inuu ahaa saldhiga weyn oo maleeshiyada Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Dhexeoo isku xira kooxda Alshabaab ee ka howlgala Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxaa gobolka Shabeelaha Dhexe ka socda howlgallo Alshabaab looga saarayo, waxaana dhowaan ay ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo ciidamada dowladda kala wareegeen Alshabaab degaanka Biyo-cade ee iska gobolkaasi oo ka mida afarta tuulo ee ugu waaweyn gobolka.
Wadani.com