Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa fal ay Alshabaab ku gubeen 7 Gaari-dameer oo raashin u siday degmada ay go’doomiyeen ee Waajid, Gobolka Bakool.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaari-Dameero ah oosiday raashinka xilli ay marayeen duleedka degmada Waajid, waxayna dab qabadsiiyeen Gaarida, iyadoo toogtay Dameeradii, iyadoo halkaasi qasaare xoog leh ka dhacay.
Ciidamada ururka 260, Guutada 9 aad, ee Qeybta 60-aad Ciidamada Xoogga Dalka ayaa gurmad u tegay Dadkii waday Gaari dameerrada la weerarray, waxaana dagaal dhex maray maleeshiyadii Al-shabaab.
Dagaalka labada dhinac ayaa la sheegay inuu qasaare ka dhashay, ayna goobtaasi isaga cararreen maleeshiyadii Alshabaab, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada milatrriga ee Gobolka Bakool.
Sawirro laga soo qaaday goobta falkani ka dhacay ayaa muujinaya in halkaasi lagu hubay badeeco u badan raashin, ayna ku dhinteen Dameeradii jiidayay gawaarida la gubay.
Alshabaab ayaa go’doomisay degmooyinka Gobolka Bakool, intooda badan, waxayna u diiday inay galaan wax gaadiid ah, iyadoo dhowr jeer gubtay baabuur iyo gaari-dameero raashin u siday degmooyinka ay ka mid tahay Waajid oo si qarsoodi ah loo geliyo raashinka.
