Alshabaab oo mudooyinkii danbe culeys weyn saartay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaalada Dhuusamareeb ayaa mar kale xalay weerar madaafiic Hoobiyeyaal ahkuqaaday Garoonkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyada Alshabaab ay hoobiyeyaal fara badan oo garayey 9 ku duqeeyeen Garoonka magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ka weerarray dhinaca Koonfur Bari oo ay kusoo dhowaadeen, lamana soo werin wax qasaare ah oo ka dhashay duqeyntaasi.
Waa weerarkii saddexaad ee Alshabaab ku qaado Garoonka Dhuusamareeb iyadoo maamulka Galmudug oo dhowaan dalbaday ciidamo ka tirsan Haramcad ay degaanadaasi geeyeen ciidamo si looga hortago Alshabaab.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti, waxaana taageera ciidamada Itoobiya, laakiin Alshabaab ayaa si joogto ah u gaara degaanada Miir-dugul iyo Ceel-Cali Mire oo u dhaw garoonka Dhuusamareeb oo dhowaan ay kula dagaalameen ciidamada milateriga Soomaaliya.
