Ururka Alshabaab ayaa heshiis qasab ah oo ka kooban dhowr ah dhex dhigay beelaha Habar-Gidir iyo Biyamaal oo dagaal fool xun in muddo ah ku dhex marayay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Alshabaab ayaa Shir dib u heshisiin ah isugu keentay xubno ka socday labada beelood degaanka Janaale, waxaana kulamadaasi oo mas’uuliyiin ka tirsan Alshabaab ka qeyb galeen laga soo saaray qodobo amarro wata oo kala ah:
- In lagu dhaqmo shareecada Islaamka laguna kala baxo Kitaabka Alle.
- In Gobolka Shabeelaha Hoose laga qaado dhammaan isbaarooyinka Baraawe ilaa Afgooye.
- In la kala saaro Maleeshiyo beeleedyada iyo Ciidamada taabcsan Dowladda Soomaaliya.
- Inaan hub lagu arki karin tuulooyinka iyo degmooyinka, cid aan ahayn Alshabaab aysan hub ku wadan karin.
- In tallaabo laga qaadi doono dhinacii jebiya heshiiskan.
Fulinta heshiiska waxaa u xil saaran Alsahbaab, waxaana labada beelood ay balan qaadeen inay u hogaansamayaan. Waxaana saxiixay Odayaasha labada beelood.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ka badan saddex sanadood ku fashilantay inay heshiis kala dhex dhigto labadan beelood oo dagaallo maato leys ah ku dhex mareen gobolka Shabeelaha Hoose.
Heshiiskan ayaa dhigaya in muddo saddex bilood ah la dhaqan geliyo, iyadoo ay u xil saaran tahay Xarakada Alshabaab, walaayada Shabeelaha Hoose, kadibna la isugu yimaado heshiis weyn.
DHAGEYSO ODAYAASHA LABADA BEELOOD EE LA HESHIISIIYAY
Wadani.com