Kooxda Alshabaab ayaa si buuxda galabta gelinkii danbe ula wareegtay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose sida ay sheegeen wararka laga helay dadka degaanka kadib markii ay saaka isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.
Boqolaal kamid ah maleeshiyada Al-shabaab oo si aad ah u hubeysan ayaa xu xoomay Magaalada Qoryooleey oo markaas faaruq ahayd ayna ku hareen oo kaliya dad fara ku tiris ah, wxaana isku fidiyeen dhammaan gudaha iyo hareeraha magaalada oo tan iyo Maarso 2014 gacanta ugu jirtay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka, markaas oo ay kala wareegeen Alshabaab.
Waxay kaloo Alshabaab la wareegeeb degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha Hoose, waana jabkii ugu weynaa ee soo gaara ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM oo dib u gurasho bilaabay.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]