Kooxda Alshabaab ayaa madaafiic ku weerartay xalay saldhig ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaafiicda ayaa ku dhacday Xaafada howlwadaag oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo aan la soo werin qasaraha duqeyntaasi.
Ciidamada Jabuuti ayaa jawaab ka bixiyay Madaafiicda lagu garaacay Saldhigooda, waxayna madaafiic kale ku rideen goobtii Madaafiicda looga riday, taasoo magaalada gelisay xaalad kacsan.
War ay faafisay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku garaaceen 10 madfac.
Wadani.com