Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya inuu Qarax haleelay kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Bay ee maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyey ayaa ku qarxay Gawaari uu ay la socdeen ciidamo iyo qaar ka mida nas’uuliyiin, waxaana la xaqiijiyey inuu ku dhaawacmay Guddoomiyaha Degaanka wdiinlle ee Gobolka Baay Ali Bukow, waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Degaanka Awdiinle ayaa 30 KM u jirtaa Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu dhaawacay Cali Bukow, iyadoo xaaladiisa ku sheegay inay mid halis ah.