Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar xalay ka dhacay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso iyo dagaal ka dhacay magaaladaasi.
Qoraal kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu caddeeyay inay weerarka qaadeen maleeshiyo ka tirsan kooxdaasi, ayna ku guuleysteen, iyagoo kusoo furtay dhammaan maxaabiistii uga xirnaa xabsiga Boosaaso.
“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal guulaystay oo ay xalay ka fuliyeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso waxay kusoo furteen dhammaan maxaabiistii muslimiinta oo ka badan400 oo maxaabiis ah” sidaas ayaa lagu yiri warka Alshabaab oo ay baahisay warbaahintooda.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa dhinaciisa sheegay inay iska caabiyeen weerarka ‘Sharwadayaasha’ isla markaana xaaladu caadi tahay, wuxuuse qirtay in maxaabiis baxsatay lagu soo qabtay howgalka oo ay dib kasoo sheegi doonaan tirada.
