Ciidmaada Kumaandooska Somalia iyo kuwa Mareykanka ee gacanta siiya ayaa xalay weerar cir iyo dhul ah ku qaaday degaanka Daarusalaam ee Gobolka Sh/Hoose.
Weerarkan ayaa sheegaya inuu dagaal qaraar labada dhinac ku dhex maray degaanka Daarusalaam oo xarumo waaweyn ay ku leeyihiin Alshabaab, waxaana dagaalka ka qeyb galay diyaarado iyadoo gantaallo loo adeegsaday, kadibka ay ciidamada lugta halkaasi galeen.
Al Shabaab ayaa shaacisay in dagaalkii xalay ee degaanka Daarusalaam ay ku dileen Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka, ayna ku dhaawaceen laba askari oo Mareykan ah, iyagoo fashiliyey weerarka.
Waxay kaloo Alshabaab sheegatay inay weerarka ku dileen 6 kamida ciidamada Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababarray, laakiin ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Mareykanka iyo dowladda Somalia.