Alshabaab ayaa shaacisay xilliga uu bilaabanayo Soonka Bisha Ramadaan, lagana soomayo degaanada a ka taliso ee Koonfurta Soomaaliya.
War kasoo baxay qeybta Garsoorka Al-Shabaab ayaa goor dhoweyd lagu dhawaaqay in Berri oo Isniin ay tahay 30-ka Shacbaan, lana dhammeystirayo bisha Shacbaan, iyadoo kowda bisha Ramadaan ay ka bilaabaneyso maalinta Talaadada.
Maanta ayey sheegeen inay ahayd 29-ka Shacbaan, iyadoo la arki waayey darteed bishiina loo qaatay go’aanka ah in Berri la kaamilo bisha Shacbaan, sida lagu yiri warka Alshabaab kasoo baxay.
Alshabaab ayaa inta badan raacsan dalalka Khaleejka, waxaana marar badan ay amarrada ay kasoo saarto dhalashada Ramadan iyo Shawaal ay ku beegmaan dalalka Sacuudiga iyo Carabta..
