Alshabaab ayaa sheegtay inay fulisay qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday shaqaalaha wada dhismaha Jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho.
Warka kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa fuliyay dagaalyahan Is-miidaamiye ah oo beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil Caddaan Ajnabi ah iyo ciidamada dowladda Federaalka.
Alshabaab waxay sheegatay inay qaraxa ku dileen sarkaal Turki ah iyo laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada ilaaliya Booliska Haramcad. “Ciidamadeena camaliyad is-miidaamin ah ku beegsaday saraakiil Turki ah oo ku sugnaa nawaaxiga Lafoole, dhimashadu waa sarkaal Turki ah iyo dhaawac soo gaaray laba kale halka laba askari ay ku dhinteen camaliyadda” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab.
Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab marka laga reebo in dhaawacyo la gaarsiiyey Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
