War kasoo baxay xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegatay inay laba qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho saacadihii ugu danbeeyay oo qasaare kala duwan ka dhashay.
Qaraxa hore oo gaari lagu xiray ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafadda macmacaanka ee degmada Dharkeynley, iyadoo lagu dilay Xasan Juuni oo kamid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaannada Baarlamaanka ee lagu soo doortay magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle.
Qaraxa kale oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa beegsaday Gaari ay la socdeen ciidamada dowladda, kaasoo ka dhacay jidka Balcad ee degmada Huriwaa, waxaana la sheegay inuu dhaliyey qasaare dhaawacyo ah.
Hayadaha Amniga dowladda Somalia ayaa wax war ah kasoo saarin dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.