Alshabaab ayaa sii deysay laba Dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo ay afduub ku heysatay muddo sanad ka badan, kadib markii ay gudaha Kenya kasoo qafaalatay.
Wasiirka Arrimaah dibadda Cuba Bruno RodrÃguez ayaa xaqiijiyey in lasii daayey labadii dhaqtar ee lagu heystay Soomaaliya Assel Herrera iyo Landy Rodriguez, isagoo dowladda Soomaaliya uga mahad celiyey sii deynta Dhaqaatiirtan, isagoo telefoon kula hadaly Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Ma cadda sida lagu sii daayey dhaqaatiirtan Cuba u dhashay, laakiin sarkaal ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa wakaalada wararka AP u sheegay in wadahadal lagu sii daayey dhaqaatiirtan oo gacanta ugu jiray Alshabaab.
Xog hordhac ah ayaa sheegeysa in madax furasho laga bxiiyey dhaqaatiirtan oo aan xilligan la ogeyn halka dhaqaatiiirtan ay ku sugan yihiin, iyo tirada lacagta ee la siiyey Alshabaab
LA SOCO FAAHFAAHINTA
