Alshabaab ayaa soo bandhigtay caddeyn muujineysa sida ay ula wreegene deganka Badacweyne ee Gobolka Mudug oo ay dhowaan shaaciyeen inay qabsadeen dagaal la’aan.
Degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo muddo dheer ay ku dagaalamayeen ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo ka hortagaan Alshabaab ayaa la sheegay inay Jimcihii isaga baxeen ciidamadii dowladda, taasoo keentay inay si fudud ula wareegaan Alshabaab.
Sawirrada Alshabaab ayaa waxaa ka muuqata inay maleeshiyada Alshabaab si buuxda ula wareegeen degaankaasi iyo xarumrhii maamulka Galmudug, ayna khudbad u jeediyeen dadkii ku haray halkaasi.
Ma jiro wa war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug iyo talisyada ciidamada dowladda iyo sababta ay uga baxeen degaankaasi oo muddo dheer laga difaacayey Alshabaab.
















