Alshabaab ayaa soo bandhigtay qasaaraha weerarkii ay ku qaaday saldhigga ciidamada Dowladda Somaaliya ee Ceel-saniini, Gobolka Sh/Hoose, iyadoo sheegtay inay halkaasi ku dishay in ka badan 30 ka mida ciidamada Milateriga.
Qeybta Warfaafinta Al-Shabaab ayaa baahisay sawirradda saldhigga ciidamada ee Ceel Saliini, iyadoo ay ka muuqdeen meydad askar iyo gaadiid dagaal, waxaana ka muuqatay inay Alshabaab qabsadeen Saldhigga yo ciidamo lagu qabtay dagaalka.
Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab, balse saraakiisha milateriga ayaa laga soo xigtay inay dagaalkaasi ku dhinteen in ka badan 20 askari, halka 18 kalena ku dhaawacmeen.
-Waxaan ka cudurdaaraneynaa inaan idin soo gudbin karin sawirrada meydadka-
















